Hoggaamiyeyaasha
Taliska Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend iyo saraakiil
uu hogaaminaayo taliyaga Ciidamada Dalka Faransiiska General François
Lecointre,ayaa isku afgartay sii wadista iskaashiga Mareykanka iyo
Faransiiska ee dhinaca Afrika .
Jeneraal Stephen Townsend,
Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa yiri “Faransiiska waa
saaxiibka ugu da’da weyn Mareykanka waana hogaamiyaha la dagaalanka
argagixisada Afrika.
“Waxaan wadaagnaa hanjabaadda guud, walaaca
labada dhinac iyo balanqaadka aan kula dagaalameyno ururada xagjirka ah
ee rabshadaha wada ayuu yiri Taliyahu.
Hogaamiyaasha ayaa sidoo
kale kawada hadlay tartanka awoodeed ee dunidu ugu jirto Africa iyo
sida dalalka Shiinaha iyo Ruushka ay u daneynayaan qaaradda.
Hoggaamiyaha
Taliska Mareykanka ee Afrika waxa uu qiray guushii duulaanka uu
hogaaminaayey Faransiiska ee lagu dilay mid ka mid ah taliyayaashii ugu
weynaa Al-Qaida, Abdelmalek Droukdal, bishii Juun.
Wafdiga
Mareykanka ayaa ka tacsiyeeyay khasaarihii ugu dambeeyay ee Faransiiska
kasoo gaaray Saaxil, oo ay kujiraan dhimashadii ugu dambeysay ee askarta
Faransiiska intii lagu jiray Howlgalka Barkhane.
Mawduucyada
laga hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa mudnaanta ay leedahay qaaradda
Afrika, iskaashiga laba dale e Franco-America iyo la dagaallanka
ururrada xagjirka ah ee rabshadaha ka wada ee Galbeedka Afrika.