Wadahallada Doorashooyinka: Maxay tahay Kaalinta U bannaan Deni iyo Axmed Madoobe
Doodda la xiriirirta doorashooyinka heer federaal ee dalka ka dhacaya 2020/2021, ayaa maalinba heer soo mareysay tan iyo bilowgii 2019, markaas oo qaar kamid xisbiyada mucaaradka iyo labada maamul ee Jubalaan iyo Butlaan ay bilaabeen in ay xukuumadda xilka heysa ku eedeeyaan muddo kororsi iyo in aaney daacad ka ahayn in dalka doorasho ka dhacdo; hasa ahaayee taas beddelkeeda ayaa xukuumaddu ku celcelineysay in doorashada waqtigeeda lagu qabanyo, inkastoo ay hay’adaha dowladdu ku adkeysanayeen in si awoodda shacabka dib loogu celiyo ay doorashooyinku noqon doonaan qof iyo cod.
Eedaha dowladda federaalka ah loo jeedinayay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa in madaxda dowladdu aaney dooneynin in ay wadahadal layeeshaan maammul goboleedyada, si looga qeybgaliyo masiirka dalka iyo maareynta waqtiga kala guurka ah. Sidoo kale dowladda dhexe ayaa iyana dhankeeda ku doodeysay in ay ka go’antahay xoojinta kaalinta maamul goboleedyada iyo go’aan gaaris wadar-oggol ah.
Madaxweynaha dowladda federaalka ah, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa dhowr mar casuumaad u fidiyay hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada. Casuumaadda madaxweyne Farmaajo ayaa ujeedkeedu ahaa in la isugu yimaado shirka amniga qaranka iyo marar kale oo casuumaaddu ku saabsaneyd in laga wadahadlo doorashada soo socta. Hayeeshee, hoggaamiyaasha maamul goleedyada qaarkood ayaa iska diiday in ay caasimadda kulan uga qeybgalaan, iyagoo ka cudur daartay in ay marti u noqdaan madaxda dowladda federaalka ah.
Ka dib Dhuusamareeb 3
Wadahadallo mirodhalay laguna gaaray heeshiiyo muhiim ah, ayaa qeybahoodii koowaad iyo labaad (Dhuusamareeb 1 iyo 2), lagu qabtay Dhuusamareeb, kuwaas oo ay ka qeybgaleen madaxda Butlaan iyo Jubalaan, iyadoo heshiiskii Dhuusamareeb 2 la isku waafaqay in waji seddexaad la isugu yimaado isla caasiamdda Galmudug ee Dhuusamareeb (Dhuusamareeb 3).
Hoggaamiyaasha Butlaan iyo Jubalaan, ayaa ka baaqday shirkii Dhuusamareeb 3, iyagoo aan si horu dhac ah ugu sii wargelin dhinacyada kale ee shirka oo ay ku jirto Galmudug oo gogosha fidisay. Inkastoo cadaadis xooggan oo uga imaanayay gobollada ay maamulaan iyo Soomaalida kale ee siyaasadda daneyneysa iyo weliba beesha caalamka, ayaa haddana labada hoggaamiye iska diideen in ay madasha xaadiraan.
Hayeeshee, shirka Dhuusamareeb 3, ayaa waxaa ka soo baxay qodobbadii ay hoggaamiyaasha shirka ka biya diiday muddho dheer dalbanayeen – doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo aan qof iyo cod ahayn.
Heshiiska Dhuusamareeb 3, ayaa la kulmay soo dhaweyn ballaaran, oo marka laga reebo Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay Soomaalida iyo saamileyda siyaasaddu soo dhaweeyeen.
Hadalheynta ayaa haddaba noqotay, maxaa la gudboon hoggaanka Butlaan iyo Jubalaan oo aan ahayn in ay waafaqaan qodobbadii shirka ka soo baxay, mar haddii ay yihiin ku wii ay mudda dheer dalbanayeen?
Labada hoggaamiye ayaa shir gaar ah oo ay isugu tageen Garoowe, waxaa ay ka soo saareen warsaxaafadeed aaney ku soo hadalqaadin heshiiskii Dhuusamareeb 3, iyagoo taa beddelkeeda aqbalay arrintii ay muddada dheer diiddanaayeen ee ahayd in ay Xamar tagaan.
Ka dib Dhuusamareeb 3, ayaa waxaa si weyn isu beddelay doodaha doorashada, iyadoo saamileyda siyaasaddu ay bilaabeen in ay ku howlgalaan ama isu diyaariyaan doorasho ku saleysan heshiiskii Dhuusmareeb 3.
Kulanka Deni, Axmed Madoobe iyo Farmaajo
Ka dib baaqyo kala duwan oo ka soo baxay Soomaalida iyo beesha caalamka oo ku aaddanaa in la qanciyo labada hogaamiye ee Butlaan iyo Jubalaan, si ay uga qeybgalaan fulinta heshiiskii Dhuusamareeb 3, ayaa madaxweyne Farmaajo ku casuumay Deni iyo Axmed Madoobe, caasimadda Muqdisho. Dad badan ayaa durba u fasirtay in seddexda hoggaamiye ay ka doodi doonaan ajanada cusub oo ku saabsan doorashooyinka, iyadoo heshiiskii Dhuusamareeb 3 meesha laga saarayo, hasa ahaatee, hadalka ka soo yeeray seddexda maamul ee kale (Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed) ee ay sida dadban ugu muujiyeen in kulanka Muqdisho aanuu iyaga quseynin, ayaa baddalay aragtidii laga qabay kulanka seddex geesoodka ah ee dhexmaraya madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyaasha Butlaan iyo Jubalaan.
Kulan wax looga beddelayo heshiiskii Dhuusamreeb 3, ayaa waxaa lagama maarmaan u ah in dhammaan madaxda maamul goboleedyadu ay ka soo qeybgalaan, si loo gaaro heshiis wadar oggol ah, sidaa darteed maadaama aaney kulanka Muqdisho qeyb ka ahayn hoggaamiyaashii maamul goboleedyadii saxiixay heshiiskii Dhuusamreeb 3, waxaa halkaas ka cad in aan Muqdisho laga filan karin heshiis cusub oo ku saabsan doorasho qaran.
Shaki kuma jiro in kulanka ay madaxweyne Farmaajo la yeelanayaan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni lagu soo hadalqaadayo heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo arrimaha doorashooyinka, waxase kaliya oo laga filan karo ayaa ah in labada hogaamiye ee Butlaan iyo Jubalaan ay soo bandhigaan waxyaabaha ay ka biya diiddanyihiin ee ka mid ah qodobbadii heshiiska, taasoo u baahnaan doonta in markale dib loogu celiyo shirweyne ay isugu yimaadaan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe mar kale ama ay Jubalaan iyo Butlaan sidiisa ku aqbalaan.
labada qodob ee la filayo in Butlaand iyo Jubalaan ay ka biya diidaan ayaa kala ah, kaalinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo in doorashada lagu qalo qaab xisbi. Qodobka ku saabsan kaalinta Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa u muuqda mid aan meesha laga saari karin, sababtoo ah qarashka faraha badan ee deeqbixiyaashu geliyaan guddigaan iyo aqoonta ama xirfadda looga baahan yahay doorashada oo ah mid aan looga maarmin guddigan muddada dheer lasoo carbinayay.
Ka sokow arrimha doorashooyinka, kulanka seddexda geesoodka ah, ayaa waxaa la iskula eegi doonaa, xallinta khilaafka ka dhexeeya, labada hoggaamiye ee Butlaan iyo Jubalaan iyo Madaxweyne Farmaajo, taa soo ah ubucda ama nuxurka kulankan. Madaxweyne Farmaajo ayaa laga filayaa inuu uga garaabo labadan hoggaamiye haddii ay jiraan cabashooyin ay dowladdiisa ka tirsanayaan, maadaama aya hadda ka soo dabceen halkii ay ku dhagganaayeen ee ahayd Muqdisho tagi meyno.