Geeraar Caashaq Oo Codsi Ah Jaceyl romantic macaan

Geeraar Caashaq Oo Codsi Ah Jaceyl romantic macaan

 


Geeraar jaceyl oo xul ah

  • Laba dhoof ku kala maqan
  • Midba dhinac ku noolyahay
  • Isku Qaba jaceyl dhab ah
  • Dhambaal leysku diro
  • Dhiiri galin ku wada nool
  • Dharaarteey kulmayaan
  • Soo dhawee Allahayow

Geeraar Caashaq Oo Codsi Ah

  • Hamigii nafteydaay
  • Haween boqoradeedaay
  • Haasaawe taan wadaagnee
  • Hami guur u qaaday
  • Hooy inaan wada galnoo
  • Hanad ii xanbaartaan
  • Haminayaaa macaaneey
  • Hadal aan dhameeyee
  • Howsha ila qabo oo
  • Hamigeyga ii rumee
  • Haween boqoradeedaay
  • Hubaal waan ku sugayaa
  • Hanti tan Ugu qaalisaney
  • Hadal aan dhameeynee
  • Howsha ila qabo oo 
  • Hamigeyga ii rumee

Geeraar Jaceyl romantic ah

  • Kalgaceyl ma ku wada aqal galnaa
  • Caashaqana wada doogsanaa
  • Muxibada ma wada diirsanaaa
  • Dareenka maku wada dalxiisnaa
  • Farxadda ma wada daadaheynaa
  • Danta meel ma u wada jiheynaaa
  • Jaceyl ma wada xusnaaa
  • Habeen, maalin iyo xili walbaaa?

Geeraar Jaceyl soo jiidasho leh

  • Macaneey noloshu la,aantaa
  • Waa Pizza bilaa jiis ah
  • Noloshu la,aaantaa
  • Waa Baasto bilaaa suugo ah
  • Quruxeey noloshu la,aantaa
  • Waa bariis bilaa moos ah
  • Qalbiyeey noloshu la,aantaa
  • Waa bilaa dhadhan
  • Waan ku jeclahay.

 Geeraar Jaceyl ah oo gaaban qeybtii koowaad

  • Qurux lagu daray hanaan
  • Heybad lagu helo amaan
  • Aqoon lagu saday hafnaan
  • Naxariis hiil iyo mudnaan
  • Hodannimiyo gacan furnaan
  • Milgeyn hooyiyo samaan
  • Canabaa hablaha dhamaan
  • Aduunyada u ah hoggaan.

Geeraar Jaceyl ah oo gaaban qeybtii labaad

  • Hadii shinidu Ogaan lahayd
  • Macaanka labadaada dibnood
  • Malabka weey ka soo tagi lahayd
  • Oo dibnahaaga ayeey ku noolaan lahayd

Geeraar kalsooni jaceyl ah oo macaan

  • Hamigii nafteydaay
  • Haween boqoradeydaay
  • Haasaawe taan wadaagnee
  • Hami guur u qaaday
  • Hooy in aan wada galnoo
  • Hanad ii xambaartaan
  • Haminaayaa macaaneey
  • Hadal aan dhameeye
  • Howsha ila qabo oo
  • Hamigeyga ii rumee
  • Haween boqoradeydaay
  • Hubaal waan ku sugayaaa
  • Hanti tan u qaalisaneey
  • Hadal aan dhameynee
  • Howsha ila qabo oo
  • Hamigeyga ii rumeeey.

Geeraar Jaceyl oo calaacal ah

  • Garab baan kaa rabaa
  • Gacal aan wadaagnoo
  • Galabtii alle keeno
  • Garbahaan isku hayaa
  • Gargaar ii fidi
  • Haddaan ku waayo habeenkii
  • Hurdo waan ka quustaa
  • Harsina warkeed daa
  • Halbowlihii dhiigga sidey iyo
  • Hungurigaa I istaagey
  • Hamuun baa ii heysee
  • Hal mar ii imow
  • Adaan kuu hilboobee
  • Intaan iilka lay dhigin
  • Intaan alwaaxa laygu xirin
  • I saar sambabada agtoodiyo
  • Saableyda caloosha
  • Si uun aan u maqsuudo
  • Sahal ma ahan caashaq
  • Sidaan ha ii gelin

Geeraar caashaq  ah

  • Sahal maahan caashaqu
  • Mar hadduu ku saaqo
  • Wadnahana surnaado
  • Suuradaada wacan baa
  • Saqda dhexe habeenkii
  • Sahwi baan dareemaa
  • Siduu ii saaqay daranaa
  • Sida aan u surnaa
  • Saqdi dhexe habeenkii
  • Barbarkaan u jiifsado
  • Baryo ka soo kici maayo
  • Bogga iyo calooshiyo
  • Beerkaa la iiga badan yahay
  • Bartaada hadaan arko
  • Bisha afar iyo tobnaad baa
  • Ber walba ku moodaa
  • Bilicdaada wacan baa
  • Bartamaha habeenkii
  • Bilicsami u eegaa

Geeraar caashaq  ah

  • Sahal maahan caashaqu
  • Mar hadduu ku saaqo
  • Wadnahana surnaado
  • Suuradaada wacan baa
  • Saqda dhexe habeenkii
  • Sahwi baan dareemaa
  • Siduu ii saaqay daranaa
  • Sida aan u surnaa
  • Saqdi dhexe habeenkii
  • Barbarkaan u jiifsado
  • Baryo ka soo kici maayo
  • Bogga iyo calooshiyo
  • Beerkaa la iiga badan yahay
  • Bartaada hadaan arko
  • Bisha afar iyo tobnaad baa
  • Ber walba ku moodaa
  • Bilicdaada wacan baa
  • Bartamaha habeenkii
  • Bilicsami u eegaa

Geeraar Jaceyl qof kugu cusub

  • Haddaan hawada kaa arkey
  • Hungurigii oo idil
  • Hami waan u waayey
  • Hilow caahaq baan hiigsadaa
  • Ma hurdo habeenkii
  • Halbowlihii dhiigga wadey iyo
  • Hagihii nafteydaa adigaan kuu hibeeyee
  • Haddan adiga ku helin
  • Hubaal waxaa ah
  • Hambalyaan iska daayee
  • Harsi waan ka sabrey
  • Iyo hurdo habeen oo idil

Geeraar caashaq oo amaan ah

  • Haddii dumar asluubiyo
  • Dabci fiican leedahay
  • Dulqaad tii u dhalataay
  • Dadnimadiyo sharafta
  • Duco waalidkeyda
  • Tii loogu daray
  • Daacadnimo waxaa hela
  • Danahooda taam noqon
  • Duulkii Illaah iyo 
  • Diintiisa caabuda
  • Dariiqii Rasuulkana 
  • Aan dacalka dhaafine
  • Taa waxaan ugu danleeyahay
  • Waa maalmo aduunyaduye
  • Dumar taan ka doortaay
  • Ilo garo danteenoo
  • Dowoga toosan ii raac
Developed by Jago Desain