القائمة الرئيسية

الصفحات

Halxiraalayaasha iyo Jimicsiga Maskaxda

Waxa aynu in badan maqalnaa faa’iidooyinka uu wax akhrisku u leeyahay maskaxda, sannadkii 2015-kii waxa la soo saaray cilmi-baadhis cinwaankeedu yahay “Reading skill and structural brain development “Xirfadda wax akhriska iyo horumarinta qaabdhismeedka maskaxda”, waxaanay daraasaddu tilmaantay in wax-akhrisku uu qayb weyn ka qaato korriinka cabbirka iyo mugga maskaxda, dadki diraasadda ka qayb qaatay ayaa laga ogaaday xogtaan sida diraasadda lagu xusay. Laakiin cilmi baarayaashu maysan xusin qaybta maskaxda ka midka ah oo akhriska ku kobacda maadaama aysan xog dhamaystiran ka haynin qaab dhismeedka maskaxda;  balse maalmo ka hor ayay saynisyahannadu u suurto-gashay inay helaan xog nooceeda tii ugu horreysay ah oo maskaxda bani’aadamka laga helo, waxaana jawaaba loo heli doonaa xogo badan oo ku gadaaman maskaxda oo aan horey loo ogaan. 

Warbixintan waxaan kaga hadleynaa cilmi baaris lagu xaqiijiyey in maskaxda bini’aadamka isbadal lagu samayn karo, iyada oo aan loo eegin da’da qofka; cunugga yar ayaa dhimi kara maskaxdiisa, halka ninka dhalinyarada ahna uu kobcin karo maskaxdiisa, taas oo ay ku xirantahay hadba waxa uu sameeyo iyo habnololeedkiisa maalinlaha ah. 

Daraasaddan cusub ayaa ka yaabisay bahda caafimaadka

Ka soo qaad in qalfoofta madaxa ay tahay xafiiski laga maamulaayay guud ahaan jirka, xafiiskaas oo uu dhex fadhiyo mudiirki ama maamulihii hawlaha kala waday, shaqo walba oo ay xubnaha jirka intiisa kale qabanayaana uu amro xataa ilbiriqsiga indhaha, xubintaas maamulaha ah waa maskaxda, hadaba; horumarka laga gaaray caafimaadka iyo tignoolajiyadda casriga ah oo ay adeegsadaan dhakhaatiirtu owgeed waxaa laga yabaa in aad aaminsantahay in la ogaaday guud ahaan siraha iyo xogaha ku saabsan maskaxda, laakiin xaqiiqdu sidaas ma ahan. 

Jacob Seidlitz, oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga neerfaha kana tirsan Jaamacadda Pennsylvania, ayaa ku yiri warbixin uu dhowaan soo saaray: “Waa wax laga naxo oo laga argagaxo sida ay u yartahay xogta iyo macluumaadka ay dhaqaatiirtu ka hayaan xubintaan muhiimka ah,”  Sidaa darteed, maskaxda bini’aadamku waxaa weli ku gadaaman siro iyo halxiraallayaal ay dhaqaatiirtu isku dayayaan in ay fahmaan oo ay furfuraan.

Diraasad dhowaan soo baxday ayaa waxaa cinwaan looga dhigay:

 “Your brain expands and shrinks over time — these charts show how

“Maskaxdu way sii ballaaran kartaa wayna isdhimi kartaa” Daraasaddani ayaa bixisay jawaabo muhiim ah oo ku saabsan cabbirka maskaxda iyo xidhiidhka ka dhaxeeyo cabbirka ama xajmiga maskaxda iyo si fiican u qabashada hawlaheeda. Daraasadu waxay adeegsatay in ka badan 12,000 oo shaybaarada maskaxda ah (Brain Scans) oo laga soo qaaday in ka badan 101,457 qof oo isugu jira da’o kala duwan iyo jinsiyo kala duwan oo ka kala yimid daafaha dunida, waana dadkii ugu badnaa oo loo adeegsado daraasad cilmiyeed noocaan ah si loo sameeyo jaantusyadii ugu horeeyay oo dhamaystiran si loola socdo korriinka maskaxda ama isdhinkeeda.

Baaritaanka waxaa ka qaybqaatay dad qaba xaalado caafimaad oo kala duwan oo maskaxda ah, sida cudurka Alzheimers, neurocognitive differences, iyo autism. Badnaashaha dadki xogtaan laga soo aruuriyey ayaa ka yaabisay saynisyahanno ku xeel dheer cilmiga neerfaha, Angela Laird oo ku takhasustay cilmiga neerfaha kana tirsan jaamacadda caalamiga ah ee Florida, ayaa tiri: “Xogta ay cilmi-baarayaashu ku soo aruriyeen daraasaddan waa mid aad u cajiib ah oo furtay heer cusub oo majaalkaan ah – majaalka baarista maskaxda aadanaha”.

Inkasta oo aad loo xiiseynayo cilmibaaristaan, hadana cilmi baarayaashu waxa ay sheegayaan in ay weli qabyo tahay oo ay rajaynayaan in ay hormariyaan oo ay dhameystiraan. Laakiin diraasaddaan ayaa toosh ku iftiimisay in ay muhiim tahay in la kobciyo maskada aadanaha macquulna ay tahay in la koriyo maskaxda, laakiin su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah, sidee loo waynayn karaa maskaxda aadanaha si ay ugu shaqayso si ka awood badan sida ay hadda u shaqayso, suurtagal ma tahay in maskaxdu ay “ku korto ama ku waynaato” jimicsiga sida murqaha ay jimicsiga ugu waynaadaan oo kale?

Socodka iyo Mugga Maskaxda

Sannadkii 2014-kii, cilmi-baadhis ayaa la soo saaray ciwaan looga dhigay  “You can grow your brain like muscle “Waxa aad u korin kartaa maskaxdaada sida muruqa oo kale” waxaanay daraasaddan ku tilmaamtay in fikradda caan baxday ee ah in qofku uu ku dhasho caqli-badnida ama doqonnimada oo uu sidaas  weligii ku ahaado mid doqon ah ama mid caqli badan inta uu noolyahay: fikrad aan sax ahayn, cilmi baadhistaasina waxay caddaysay in maskaxda bini’aadamku ay la mid tahay murqaha jidhka, qofkuna uu ka shaqayn karo sidii uu u horumarin lahaa oo uu xajmi ahaan u ballaadhin lahaa si maskaxdu u noqoto mid xooggan oo caqli badan.

Daraasad kale oo la daabacay 2011 oo cinwaankeedu yahay “Exercise training increases size of hippocampus and improves memory” ama “Jimicsigu wuxuu kordhiyaa xajmiga hippocampus-ka  maskaxda wuxuuna wanaajiyaa xusuusta.” Daraasaddan ayaa muujisay in dadka waaweyn ee socda ama lugeeya 40 daqiiqo saddex jeer toddobaadkii muddo sannad ah; ay maskaxdooda kororto gaar ahaan qaybta hippocampus-ka, Hippocampus – waa qaybta kakan ee maskaxda, waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah qaybaha maskaxda ee aadka loo baaray oo ay yaqaanaan saynisyahannadu in ka badan afar qarni. Waxa ay door weyn ku leedahay waxbarashada iyo xusuusta.

Halxiraalaha.. Waa Jimicsiga Maskaxda

Biraha oo la qaado waxaa ku waynaado xubnaha jirka, sida gacmaha, feeraha iyo lugaha, maskaxda waxaa booskaas ugu jira Halxiraalaha oo u ah jimicsi haddii la badiyo ay ka heleyso firfircoonaan iyo kobacid. . 

Daraasad la daabacay sanadki 2014ki oo cinwaankeedu yahayYour Brain is Like a Muscle: Use it and Make it Strong ama “Maskaxdaadu waa sida muruqa oo kale: isticmaal oo xooji.” ayaa caddaysay in hal-xidhaalaha oo la sameeyo maalin kasta muddo saddex bilood ah; ay door weyn ku leedahay korriinka iyo kobaca maaddada cad (substantia alba) ee maskaxda, Saynisyahannada daraasaddan sameeyey ayaa is-barbar dhig ku sameeyey isbeddelka ku yimid maaddada cad, waxayna sheegeen in maadada cad ay la mid tahay sida waddo raf ah , inta aan la sameynin halxiraalaha laakiin ka dib marka la sameeyo  halxiraale oo maskaxda laga shaqaysiiyo muddo saddex bilood ah, waxay noqotay sida waddo weyn oo u oggolaanaysa baabuurta in ay si degdeg ah u socdaan, baabuurtu waxay tusaale ka yihiin macluumaadka ka imaanayo qaybaha kale ee jirka ee soo gaaraya maskaxda, macluumaadkaan ayay maskaxdu marna si degdeg ah uga jawaabaysaa oo waa marka ay jimicsi badan samayso sida in halxiraalayaasha si joogta ah looga shaqeeyo marna maskaxdu way ku adkaanaysaa in ay si degdeg ah u xalliso macluumaadka ka soo gaarayo qaybaha kale ee jirka oo waa  sida baabuurka ku socdo waddo raf ah. 

Daraasaddaan cusub ka hor, socodka, akhrinta iyo xalinta halxidhaalayaasha ayaa ka mid ahaa waxyaalihii ay culumadu sugeen in ay saamayn togan ku leeyihiin qaab dhismeedka maskaxda; laakiin cilmi baaristaan cusub ayaa furtay albaabo cusub oo aan ku ogaan karno hawlmaalmeedkeenna iyo saamaynta taban ama togan oo uu ku yeelan karo maskaxdeenna, waa in aan ka shaqaynaa mar walba sidi aan maskaxdeenna u kobcin lahayn ugana ilaalin lahayn in ay daciifto ama dhaawacanto.