القائمة الرئيسية

الصفحات

MAQAAL: Madaxweynaha france, waxa aan dib u xasuusinaynaa taariikhda madaw ee france lahayd


Emmanuel Macron. Madaxweynaha france, waxa aan dib kuu xasuusinaynaa taariikhda madaw ee france lahayd, miyaad ilawday in hogaamiyihii muslimkaa ahaa ee maxamed baas, ahaa kii idin baray sida loo mayro la iskuna udgiyo, idinka oo u yaqaanay nadaafada ceeb, waxa aad ahaydeen dad wasakh ah, islaamka ayaa idinka dhigay dad nadiif ah, heer aad soo gaarteen in cadarrada ugu qaalisan aduunka yeelataan, carar aad ka cararaysaan urka qarmuun.

Se miyaad ilawday marka aad islaamka leedahay waa caqabad, in aad wadanka jasaa’ir (Algeria) aad ka gaysateen falal arxan daro ah kuna disheen dad malaayiin gaaraya,

ma adiga ayaa sheegan kara qof masuul ah, idinka oo gacan ku dhiiglayaal ah.

Ha ilaawin mid, islaamka ragiisii way nool yihiin, waqti kaste iyo goob kaste waxa ay diyaar u yihiin difaaca islaamka naf, maal iyo dhiigba waa loo hurayaa, cagta dib u dhig yaanad ololinee. Ha ilaawin wax aad tahay, hana ismoodin wax aanad ahayn.

Qofka aan aqoonin taariikhda, ma fahmo xaalada taagan, mana dhisi karo mustaqbalkiisa, sidaa awgeed akhriya taariikhda.