القائمة الرئيسية

الصفحات

Musharax Xildhibaan Samafale Cumar Cisman Siciid oo si Diiran loogusoo dhaweeyay Deegaanka Carta.



Musharax Xildhibaan Golaha Aqalka Hoose ee DFS Samafale Cumar Cisman Siciid ayaa Maanta si wayn loogusoo dhaweeyay Deegaanka Carta.

Boqallaal dadwayne ah oo ruuxayay Calamo iyo boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyo musharaxa Lagu taageeraayay laguna Soo dhaweenaayay ayaa ku soo dhaweeyay afafka hore ee magaalada carta

Waxaana sidoo kale soo dhaweynta musharaxa ka qeyb galay masuuliyiinta deegaanka , Nabadoono , Cuqaal Waxgarad Dhalinyaro Hooyooyinka iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Carta.

Musharax cumar cismaan siciid ayaa waxa uu la hadlay dadweynihii ka qeyb galay soo dhaweyntiisa, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay soo dhaweynta diiran ee uu kala kulmay deegaanka carta islamarkan uu kulamo la yeelan doono bulshada inta uu joogo magaalada carta
waxa uu balan qaaday inuu Noqon doono Xildhibaan Shacabka U adeega Hadii Uu Xilkan Ku Guulaysto.

Marti Sharaftii Goobta Ka Hadashay ayaa taageera Umuujiyay Musharaxa waxana ay isla qireen in uu Mudo ka shaqaynayay Danaha Shacabka Islmarkaasna uu yahay Shakhsi lasoo tijaabiyay.

Soo dhaweynta loo sameeyey musharaxa xildhibaan Aqalka Hoose ee Dawlada Fedraalka Soomaaliya Samafale Cumar Cisman Siciid ayaa si wayn looga dareemay carta

Isha Sawirada :Gardafuu Media