Wadaxaajoodkii Saddex Geesoodka ahaa ee Biyo Xireenka Niil oo Dib u Billaabanaya
Dowladda Suudaan ayaa shaacisay in Talaadada berry ah oo furmi doono shir saddex geesood ah oo ay yeelanayaan wasiirrada waraabka dalalka Masar, Suudaan iyo Itoobiya si loo sii ambaqaado wadaxaajoodka biyo xireenka wabiga Niil.
Wakaaladda wararka Suudaan ayaa sheegtay in kulanka oo ku dhici doono hannaanka fogaan aragga ah uu yimid kaddib baaq ka yimid Midowga Afrika.
Wakaaladda oo soo xiaganaysa wasiirka waraabka iyo kheyraadka biyaha ee Suudaan Yaasir Cabbaas ayaa sheegtay in dib u bilaabashada wadaxaajoodka looga gol leeyahay sidii xal waara looga gaari lahaa muranka biyo xireenka Niil ee ay Itoobiya dhismihiisu waddo.
Kulanka saddex geesoodka ah ayaa yimi maalmo un kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku eedeeyay Itoobiya in ay ka maageyso heshiis buuxa oo laga gaaro muranka biyo xireenka.
Wadahadallada saddexda dal oo uu garwadeen ka yahay ururka Midowga Afrika ayaa dhowr jeer ooh ore turunturrooday.