القائمة الرئيسية

الصفحات

Maxaa ka soo kordhay Mooshinkii Baarlamanka Puntland?

 


Golaha wakiilada  Puntland ayaa maanta waxa ay magaalada Garoowe ku yeesheen Fadhigii 10-aad ee Kalfadhiga 47-aad Baarlamaanka  oo uu shir guddoomiyay Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Fadhiga maanta oo Ajandaha ahaa ka doodista xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa dib loo dhigay illa maalinta Arbacada ka dib codsiga guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL oo xeerka gacanta ku haya.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in labo maalmood oo dheer ah la siiyo Guddiga sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobkiisa 58-aad iyo Qodobka 70-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Puntland.

Kadib markii gelinkii hore ee shalay uu soo baxay, warka sheegaya in ay xildhibaanno badan saxiixeen mooshinka la doonayo, in xilka looga qaado labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamanka Puntland, ayaa waxa durbadiiba bilowday dadaal xooggan oo madaxtooyada Puntland iyo Guddoonka Baarlamanku ugu jiraan sidii mar kale loo furfuri-lahaa xildhibaannada wada mooshinka.

Madaxweyne Deni, oo Taleefon soo diray isagoo jooga magaalada Dubai, ayaa xildhibaannada mooshinka wada ka codsaday in ay mooshinka hakiyaan inta uu ka imaanayo, isagoo ku wargeliyay in uu safarkiisa soo gaabinayo, islamarkaana  Isniinta Garoowe imaanayo.


Sidoo kale, Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa isla shalay mudanayaasha isgu’gu yeeray kulan deg deg ah oo lagu deminayo mooshinka, kaas oo wakhtigii Qadada ka qabsoomay beer ku taalla dhanka bari ee caasimadda Garoowe.

Kulanka waxa ka qayb-galay in ka badan 40 mudane oo ka tirsan Baarlamanka Puntland waxaana mudanayaasha laga dalbaday in ciddii mooshinka ku jirta ay ka baxdo, si looga baaqsado in qalalaase siyaasadeed ka dhaco gudaha Baarlamanka.

Kulankii shalay, waxa laga sheegay in uu buray mooshinku, waxaana xildhibaannada lagu war-geliyay in ay soo xaadiraan Kulanka maanta oo Isniin ah, kaas oo Ajandihiisu yahay Xeerka Isgaarsiinta Puntland. Sidoo kale, waxa dib u dhac kooban ku yimid safarka Madaxweyne Deni oo maanta ku soo wajahnaa Garoowe, balse la xaqiijiyay in uu baaqday, kadib markii la xalliyay arrintii mooshinka.