MUQDISHO (BAARGAAL.NET)- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta dhagax dhigay laba mashruuc oo dib loogu dhisayo Wasaaradaha Cadaaladda iyo tan Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Munaasabadda lagu dhagax dhigayay wasaaradaha ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaalidu Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo ka hadlayay munaasabadda dhagax dhigga ayaa tilmaamay in ay go’an tahay xukuumadda dhismaha xarumihii hay’adaha dowladda ee ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa intaas ku daray in labada wasaaradood ay muhiimad weyn u leeyihiin dalka, wax uuna u mahad celiyey cid walba oo gacan ka geysanaysa dib-u-dhiskooda.
“Dib-u-dhiska dhiska xarunta Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta, Awqaafta waxay ka tarjumaysaa muhiimadda ay u leeyihiin dalkaan, gaar ahaan arrimaha caddaaladda iyo Diinta oo Xukuumaddu ay ahmiyad gaar ah siineyso” ayuu yiri Ra’iisul Ku xigeenka xukuumadda Mahdi Guuleed.
Dhismaha Wasaaradaha Cadaaladda iyo Diinta oo ku burburay dagaalladii dalka soo maray ayaa lagu dhisayaa barmaanijka Isxilqaan ee ay hormuudka u yihiin Shaqaalaha dowladda.