Waxaa shirkaan shir gudoonshay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdiqafaar Cilmi xaange, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Haweenka, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiir kuxigeenka Waxbarashada, Wasiir kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha iyo Agaasiamayaasha Guud.
Shirkaan oo la qabto sanadkiiba mar ayaa diirada lugu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta, sidii la isku waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta 5ta sano iyo mashaariicda Puntland laga fuliyo.
Shirka waxaa diiradda lagu saaray sidii loogu fidin laha mashaariicda gobollada sool, Sanaag iyo Gardafu. Taasoo ay Dowladdu ahmiyad gar ah siinayso. Waxaa sidoo kale shirka lagu falanqeeyay qorshaha horumarinta 5ta sano, 2020-2024 ee Puntland iyo hirgalinta hannanka khasanadda midaysan ee Dowladda.
Hay’adda ka hortagga maaraynta masiibooyinka (HADMA) ayaa soo bandhigtay falanqayn ku saabsan xaaladda roobabka iyo saadasha 6da bilood ee soo socata oo muujinaysa roobabku inay ka yaryihiin intii la filayay.