Xubnaha sar sare ee Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa ku taageeray madaxweyne Donald Trump, dacwadaha uu u gudbiyay ka dhanka ah natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dhawaan ka dhacday dalkaas.
Trump ayaa rajo ka qaba in dacwadaha uu u gudbiyay maxkamadaha ay u diidaan guusha la saadaaliyay inuu doorashada ku guuleystay, Joe Biden oo ah madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka.
Guddoomiyaha Aqlabiyadda ee Goolaha Senetka Mitch McConnell iyo Guddoomiyaha Xildhibaanada laga tirada-badanyahay ee Aqalka Wakiillada Kevin McCarthy, ayaa sheegay in Trump uu ku saxsanyahay inuusan aqbalin natiijada doorashada illaa si rasmi ah looga caddeynayo in aysan dhicin wax-isdabamarin ah.
Dhanka kale, ninka loo saadaaliyay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada Mareykanka, Joe Biden ayaa Talaadadi wariyaasha u seegay, in qirasho la’aanta Trump ee guuldarrada doorashada ay tahay wax laga yaxyaxo.