Ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ee gobolka Hadramuut ayaa sheegay inay badbaadiyeen 9 kaluumeysato iyo rakaabisugu jira oo saxiimad kula degtay meel 10 mayl-badeed u jirta xeebta gobolka.
ilaalada ayaa waxay sheegeen inay ku guuleysateen inay ka soo badbaadiyaan 6 kalluumeysato iyo 3 rakaab ah markii saxiimad la degtay , xilli ay ku sii jeedeen jasiirada Socotra.
Ciidamada ilaalada xeebaha ee gobolka ayaa intaa ku daray, qoraal ay ku daabaceen bartooda Facebook-ga oo aan ka soo xiganay , in kalluumeysatada iyo rakaabba ay shil ku galeen badda meel 10 mayl-badeed u jirta xeebaha kadib markii saxiimadii ay la socdeen o ah nooca juudi 3 ay u qalibantay isku dheelitir la'aan
Ciidamada ilaalada Xeebaha ayaa intaa ku daray in kacasanaata badda ay sababtay in saxiimada qalibantay,
Waxayna tilmaameen inay direen 3 saxiimaxdood oo ilaalada badda ah , kadib markii ay heleen warbixin sheegaysa in doon ay ku qalibantay meel 10 mayl fogaan ahaan jirta
Waxay xaqiijiyeen in roondooyinkaay direen ay ku guuleysteen inay helaan saxiimada oo ay badbaadiyaan dhammaan shaqaalihii.
Waxay cadaeyeen in dhamaan kaluumeysatada iyo rakaabkii saarnaa saxiimadaas ay xaaladooda wanaagsantahay isla markaana aysan jirin cid waxyeelo kasoo gaartay.
Shalay, muwaadiniinta ku nool magaalada Al-Mokha, galbeedka magaalada Taiz, ayaa helay meydka nin dhalinyaro ah oo baddu liqday laba maalmood ka hor inta aan la helin, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.
Muddo dhowr toddobaad ah, badda Yemen iyo xeebaha africa ayaa waxaa ka jiray isbadel iyo kacsanaan , cimilo robeed saamaysay Badda Carabta , xeebaha Puntland iyo xeebaha gobollada koonfur-bari iyo koonfur-galbeed ee dalka yaman
BAARGAAL MEDAI