Deeqdan oo ka timid dowlada Talyaaniga ayaa waxaa garoonka Boosaaso geeyay diyaarad xamuul si loogu caawiyo dadkii saameyntu ka soo gaartay duufaantii ku dhufatay deegaano hoos yimaada gobolada Bari ,iyo gardafuu
Shixnadaan ayaa ka kooban, agabka wax lagu cuno, daawo iyo waxyaabo kale oo duruuri ah,
Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabancad) ayaa sheegay in ay dowlada Talyaaniga uga mahadcelinayaan kaalmada ay soo gaarsiiyeen.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo gaarsiin lahaa gargaarkan dadka mudan ee baahida daran u qaba kaalmadan.
Wasiirka ayaa sido kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo gaarsiin lahaa gargaarkan dadka mudan ee baahida daran u qaba kaalmadan.