Todobaadkan Riyaalka Yemen Ayaa diiwaan galiyay hoos u dhac taariikhi ah oo ku yimid SARRIFKA doolarka mareykanka, lacagta Yaman ayaa markii ugu horeysay ka gudubtay 900 riyaal marka loo fiiriyo lacagta mareykanka.
ilo bangi oo isku mid ah ayaa sheegay in Doolarka Mareykanka uu dhaafay 900 oo Riyaal, subaxdii khamiistii uu gaaray 925 Riyaal markii ugu horeysay tan iyo markii uu dagaalka ka bilowday dalka yaman 6 sano ka hor, halka qiimaha riyaalka Sacuudiga uu gaaray 244 Riyaal Yaman.
Axadii la soo dhaafey, "Ururka Is-weydaarsiga Lacagta ee Aden" ayaa ku dhawaaqey in qeyb ahaan ay dib u bilaabayaan howlihii bangiyada ee gobolka, seddex maalmood ka dib markii la xirey dukaamada sarifka lacagaha ee magaalada iyada oo laga soo horjeedo burburka lacagta maxalliga ah.
Sida laga soo xigtay milkiilaha shirkad sarifle, wuxuu caddeeyay in dib u soo celinta howlaha shaqo ay qayb ka ahayd ka jawaab celinta baahida bani'aadamnimo ee bixinta lacagaha la Soo diro, iyadoo la joojiyay dhammaan iibkii iyo iibsiga lacagaha qalaad.
Dadka maxalliga ah ayaa sheegay in burburka degdegga ah ee riyaalka Yaman ee ka dhanka ah lacagaha qalaad ay si weyn u saameysay iibinta badeecadaha iyo cuntooyinka.
Talaadadii, Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ee Yemen wuxuu sheegay in riyaalka Yemen ay luntay 250 boqolkiiba qiimaheeda tan iyo bilowgii dagaalka ee 2015, taas oo horseedday inuu kordho qiimaha badeecadaha cuntada 140 boqolkiiba.
Raiisul Wasaaraha Yemen, Maeen Abdul-Malik, wuxuu ka codsaday beesha caalamka in lala soo gaaro gargaar deg deg ah si loo joojiyo burburka dhaqaalaha dalka.