Madaxweyne ku Xigeen Dawlad Goboleedka Puntland Axmed Cismaan Cilmi Karaash ayaa amar culus dul dhigay Ganacsatada Gobolka bari ee Puntland, waxaana Madaxaweyne ku xigeenku uu dhankooda ka dhagaysatay Ganacsatada Warbixino.
Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa waxaa ganacsatada lagu faray inay qaataan lacagta shillinka soomaaliga , sidoo kalena ay dowladdu dhankeeda fulinayso qodobadii hore loogu heshiiyey.
“
Waxaan caawa xarunta Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay ganacsatada gobolka Bari. Aniga oo ka dhagaystay warbixino ku saabsan xaaladda gobolka gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, sicir bararka iyo hoos u dhaca ku yimi lacagta shillin Soomaaliga.
Waxaan ganacsatada faray inay qaataan lacagta shillinka soomaaliga , sidoo kalena ay dowladdu dhankeeda fulinayso qodobadii hore loogu heshiiyey” ayuu yiri Axmed Cismaan Cilmi Karaash.
Bulshada Puntland ayaa si weyn walaac kaga muujiyay sicir-barar iyo sidoo kale qiimo dhac ku yimid lacagta Shilinka Soomaaliga, waxaana hadda ganacsatada la amray in ay qaataan lacagta Shilinka Soomaaliga.