Xukuumadda Puntland ayaa amar ku siisay shirkadaha isgaarsiinta gaar ahaan Golis iyo Somtel inay xiraan hanaanka lacagaha danabaysan ee ka hooseeya halka doolar, taasi oo macneheedu yahay in ay joojiyaan diritaanka lacagaha ka yar halka dollar.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Timacadde ayaa lagu amray shirkadaha inay qaataan awaamiirtaasi iyagoo u hoggaansamaya awaamiirtii shalay ka soo baxday shirkii golaha xukuumadda Puntland.