القائمة الرئيسية

الصفحات

Waa maxay 5G? Sidee u shaqeysaa? Faaiidooyinka Adeega 5G iyo Khatartiisa

 

Waxaa jira hadal badan, , oo ku saabsan 5G, shabakada mobilada ee jiilka cusub. Shabakadan Waxay hore uga soo degtay qaar ka mid ah magaalooyinka Isbaanishka.

 5G waxay u taagan tahay Jiilka 5aad. Anteenooyinka ugu horreeya waafaqsan heerka cusub Waxa la rakibay 2019.

5G waxaa laga soo gaabiyay marka hore ( fifth generation) jiilka 5aad ee technology yadda. Waxey suurta galineysaa iney kor u qaado xawaaraha internet ka qaasatan Wireless ka, Waxeyna ka xawaara badisaa Wire Network ga. Sababta loo soo saaray  ayaa ah in lahelo xawaare sare oo internet ah, internet lagu kalsoonaan karo shaqadiisa,  iyo dagdag-siimaha adeegiisa iwm.

Maadama ay sii noqoneyso dunida mid ku shaqeysa Internet of Things (IoT) waxaa baahideedu timaaday in la helo ama la hormariyo xawaaraha iyo shaqada adeega internet ka. Sida aan ka war qabno waxaa Jiro qalabyo guriga ladhigo, xafiisyada, gawaarida, mobiles ka oo kuwada shaqeeyo Internet ka. Haddaba 5G waxey soo dabooshay baahida intaas oo qalab ah IoT.

Sidee u shaqeysaa haddaba 5G?!!!..

Wireless ka waa unugyo yar yar isku tagay kadibna lagu diray radio waves ka. 4G Long-Term Evolution(LTE) waxey hordhac u ahaayeen 5G network gaan. Waxey isticmaali jireen tower yo dhaadheer, xoog badan, sidoo kalena koronto cunis badan. Balse 5G waxuu kaliya u baahan yahay tower yar sidoo kalena koronto aad u yar. Waxaana ladhigi karaa saqaf yada guryaha iyo sidoo kale baalayaasha leerka. Waxuuna dirayaa warbixinno fara badan asagoo kaliya isticmaalaya intaas.

Jiilashi hore ee wireless ka waxey badanaa la kulmi jireen frequency yar markey timaado masaafada iyo dhax galka( interference). 

5G jiilkaan ayaa baahidaas daboolay asagoo u sameeyay qalabyo yar yar la dhigi karo meelo isku dhow dhow si loo helo high-frequency oo loogu diro fariimaha ama xogta

Dhamaan caalamku waxa uu hadal hayaa shabakada cusub ee 5G , laakiin shabakadani maxay kaga duwan tahay shabakadihii ka horeeyaya sida 4G iyo 3G . halkan waxaan kuugu soo gudbin doonaa xogo ku saabsan 5G , xawaareheedu intuu la egyahay  

5G waa shabakada jiilka 5aad taasi oo ka wax tar ,xawaare, isticmaal iyo faaiidoba badan 4tii jiil ee ka horeeyay .

isbarbar dhigaa 1G ilaa 5G

Khatarta iyo waxyaabaha uu lagaarka yahay

Wax Yabaha uu la gaarka yahay  5G ayaa ah in uu leeyahay hirar Awood badan (high band)taas oo ah 30—300GHz halka uu 4G ka ahaa 1-6GHz

Arinka labaad ayaa ah inuu u baahan yahay tower 100kii meterba waxaan uu u baahan doonaa towero badan laakiin ka yaryar kuwa aynu maanta isticmaalno .

Arinkan oo sababay in ay dad badani ka horyimaadaan iyaga oo ka joojiyay meelo badan oo lagu xiray sida dugsiyada ciyaalka iyo goobaha dadku ku kulmaan arinkan oo ay usababaynayaan in shucaaca towerku saamayn ku yeelan karo jirka bini aadamka .

5G iyo Shirkada taleefanka 

shirkadaha telefonada ayaa ku soo ku soo kordhiyay telefonadooda adeega 5G sida Huawei matex iyo Galaxy s10 halka ay Shirkada Apple iPhone 12ama wixii ka danbeeyay ay ku shaqa karaan shabakada 5G  

Shirkada Huawei ayaa ka mid ah shirkadaha aadka u horumariyay adeegan laakiin wadanka maraykanka ayaa sheegay in hadii shirkadani telefonadeeda la qaato ay samayn karaan basaasid isaga oo horay uga mamnuucay telefonada Huawei wadankaas sidoo kale waxa uu sheegay in hadii shirkadani adeegan u xidho wadamada kale in ay samayn ku yeelan karto Xidhiidhka wadamadan .

Faaiidooyinka Adeega 5G

Adeega 5G waxa uu leeyahay faaiidooyin badan kuwaas oo ah horumarinta adeegyo horay u jiray iyo kuwo aan horay  loo qaban karin  sida

Dhakaatiirta

5G waxa uu dhakhaatiirta ka caawin doona saamaynta qaliino iyaga oo adeegsanaya robot Tusaale ahaan Dhakhtar ku nool Germany ayaa waxa uu xaruun ka furanayaa somalia halkaasi oo uu ku qabanayo Dhamaan wixii uu ku qaban karay wadankiisa sida qaliinada daawaynta isaga oo si remote ah uga mamulaha robot . Arinkan ayaa ah mid aanan ku suurta galaynin shabakadaha 4G iyo kuwii ka horeeyay .


Dhakhtar online qaliin ku samaynaya

Beeraha

Baryahan dambe Technologyadu waxay ay ku socotaa xawaare aad u sareeya iyada oo saamayn ku yeelatay nolosheena qaybahaasna waxaa ka mida dhanka beeraha adeega 5G waxa uu hor seedi doonaa hirgalinta beero si aad ah looga war hayo sida ka celinta cayayaanada waraabinta xadi biyo oo ku filan iyo ka warhaytoodaba iyada oo la adeegsanayo drones (diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ) arinkan oo ah mid u baahan internet xawaare sare leh si looga war hayo fogaan ka yar millilitero .

cagafyo iyo diyaaradoo bila duliye ah oo 5G isticmalaya

Gaadiidka

Waxa dhawrka sano ee soo socda la rajaynayaa inuu adunka ku faafo gawaarida iskood iskuwada arinkan oo ah mid suurtagal ka dhigaya yaraynta shilalka iyo ciriiriga wadooyinka waxaana uu 5G fududaynayaa in aad mobilkaaga ka maamusho gaadhigaaga sida in aad si sax ah u parking garayso iyo ilaalinta qawaaniinta wadooyinka hadii aan isku dayno in aan arinkan u adeegsano xawaaraha maanta ee 4G waxa dhici kara Sidan tusaale hadii aad gaari 100km/saac ku socda mobilka ka dhex amarto inuu joogsado waxa uu ku qaadanaysaa 1/10kii ilbiriqsi in uu istaago 2.5 miter kadib halka isticmaalaha 5G ku qaadanayso kaliya 2.5 centimetre ama in aad uga sii yar .

gawaarida 5G ee kaligood is wada

Internet ka qalabka  IOT

2030 waxaa lagu qiyaasaa in qof waliba uu ugu yarayn haysan doono 19 aalad oo internet ku shaqaynaya kuwaas oo ay ka midyihiin alaabaha guryaha sida tv yada qasaaladaha qaboojiyayasha layrarka  albaabyada  iyo kuwo kale arinkan waxa lagu magacaabaa (internet of things)arinkan waxa uu kuu suurtagalinayaa in aad badanaaba qalabka gurigaaga kuu yaala aad ka maamusho telefonkaaga gacanta waxayna sahli doontaa nolol maalmeedkeena hadaba shabakada 5G arinkan waxay ku yeelan doontaa Awood badan waayo waxa ay dadajinaysaa falcelinta alaadahan iyada oo ka dhigaysa mid xawaarahooda falcelineed ka badan kii hore ee 4G .

sidoo kale waxaa loo isticmaali doonaa robot yada ka shaqeeya warshadaha iyo Airports ka  iyo goobaha muhiimka ah

BAARGALTECH