القائمة الرئيسية

الصفحات

XOG: M/weyne Deni oo Magaalada Dhahar u diraya 7 Wasiir, si ay ula kulmaan Xildhibaan CabdiJamaal oo kabaxay Garoowe.

 


Warsidaha PuntlandTimes, wuxuu ogaaday in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ku amray 7 kamid ah xubnaha golihiisa wasiiradda in ay u safraan magaalooyinka Dhahar & Badhan ee xarumaha Sanaag iyo Haylaan, halkaas oo uu kusugan yahay Xildhibaan Cabdi Jamaal oo katirsanaa 8 mudane baarlamaan oo dhawaan ay sheegeen guddoonka baarlamaanku in laga saaray golaha wakiilada ee Puntland.

Cabdi Jamaal ayaa dhawaan ku hanjabay in haddii sharciga la ixtiraamo waayo lays baran doono, taas oo ay cabsi ka muujisay Xukuumadda Puntland, maadaama uu Cabdi Jamaal ka mid yahay saraakiisha ciidamada Difaaca Puntland, horeyna ehelkiisa kooxaha Argagixisadu ugu beegsadeen howlgalada Amniga awgood.

Wasiiraddan oo gaaraya 7 xubnood oo ay wehliyaan qaar kamid ah saaxiibada dhaw ee Madaxweyne Deni ayaa tagaya magaalada Dhahar, si ay u qanciyaan ama ugu yaraan wada hadal ula furaan Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha, Amniga & Xildhibaankii u dambeeyey soo hayay 10kii sanno ee lasoo dhaafay.

Xogta ayaa sheegaysa in ay xubnahan wadaan dhawr qodob oo ka yimi xagga Madaxtooyada oo ku saleysan sidii wax looga qaban lahaa tabashada CabdiJamaal Cismaan, laakiin warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhamman qodobada ay yihiin kuwa horey loogu soo jeediyey masuulkan oo uu diiday.

Cabdi Jamaal oo wata gaadiid badan oo dagaal ayaa kusugan magaalada Badhan oo uu gaaray subaxnimadii hore ee shalay, sida ay cadeynayaan xogaha aan helnay.

Madaxtooyadu, waxay cabsi ka qabtaa in CabdiJamaal oo saameyn badan leh uu smeeyo talaabo ka dhan ah Xukuumadda, taas oo haddii ay dhacdo ka dhigaysa in gobalada Sanaag & Haylaan uu ku leeyahay saameyn xoog leh, ayna inta badan Buuraleyda Galgala iyo Badhan-ba joogaan ciidamo xoogan isaga ka amar qaadanaya.


Xigasho puntland times