القائمة الرئيسية

الصفحات

Baargaal : kulan Loogu qareemayo Dhismaha Cusbitaal Ay Bulshada Baahi wayn U qabto oo maantay qabsoomay

 waxaa Magaalada Baargaal Maanta ka qabsoomay kulan Loogu qareemayo Hosbitaal ay yeelanayso Degmada Baargaal maadaaba aysan lahayn Degmadu hosbitaal ku filan baahida shacabka ku dhaqan Degmada Baargaal. Kulanka waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Dr. Muuse Saalax Guuleed , Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Cabane Caynab Muuse iyosidoo kale Gudoomiyaha Caafimaadka Degmada Baargaal Drs. Istanbuul Cali Aadan Nabadoon Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Gudoomiayaha caafimaadka Degmada Baargaal Drs Istanbuul cali aadan oo ugu horayn Goobta ka hadashay ayaa sharaxday baahida loo qabo Hosbitaal caafimaad oo ay degmadu yeelato waxay bulshada iyo maamulkaba ka codsatay in hawshaas si iskutashi ah loo wajaho maamulka caafimaadkuna ay diyaariyeen goobti loo asteeyay in laga dhiso. Sidoo kale Dr Siciid Dhagiig oo Kamid ah hawlwadeenada Xarunta hooyada iyo dhalaanka Degmada Baargaal ayaa dhinaciisa sharaxay dhibaatooyinka ay kala kulmaan hosbitaal la,aanta degmada waxa uu sheegay in mararka qaar qolalka ay haystaan ku filnaan waayaan bukaanada taasina ay sababi karto in bukaanadu xaalado dayacnaan ah soo wajahaan Wuxuu Bulshada udiray baaq uu uga codsanaayo in isbitaalka si isku tashi ah uga qaybqaataan. Nabadoonadii, Ganacsatadii iyo Waxgaradkii goobta ka hadlay ayaa dhankooda balan qaaday inay ka qaybqaadanayaan Dhismaha Hosbitaalka Degmada Baargaal waxay baaq udireen cidkasta oo khayrka jecel inay kasoo qaybqaataan isku tashiga lagu dhisaayo Hosbitaalka. Ugu danbayn Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu iyo kan Degmada Baargaal oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa dhinacooda sheegay in ay u istaagayaan uqareemida Hosbitaalka Degmada Baargaal waxayna bulshada kula dardaarmeen in ay iyaguna muujiyaan iskutashi una istaagaan danta Guud gaar ahaan Ganacsatada iyo Qurbajoogta reer Gardafuu ayagoo sidoo kale u baaqay cidkasta oo khayrka jecel inay kasoo qaybqaataan isku tashiga lagu dhisaayo Hosbitaalkan dawlad iyo shacab ba

xuquuqda sawirada : Gardafuu Media