Waxaa Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu beryahan soo gaarayay masuuliyiin ka tirsan Gobolka gardafuu oo kormeer shaqo iyo sidii loo dardargalin lahaa hawlaha shaqo ee dawlada hoose ee degmada Baargaal usoo gaarayay degmada ayagoo bari ka qaybgalaya furitaanka Kalfadhigii 8-aad ee golaha deegaanka Degmada baargaal oo Bari furmaya
masuuliyiintaas waxaa caaway ugu danbeeyay oo soo gaaray degmada Baargaal isuduwaha wasaarada arimaha gudaha fadaraalka iyo dumuqraadiyeynta ee gobolka gardafuu mudane C/qaadir maxamed jaamac ( C/qaadir caato )
Horay waxaa Degmada Baargaal Ugu sugnaa Gudoomiyaha Gobolak Gardafuu Dr Muuse saalax guuleed , iyo sidoo kale Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Gardafuu Mudane Maxamed Axmed Jeeg oo todobaadka ka waday degmada baargaal kormeer shaqo oo ay ku booqanaayeen xarumaha Dawlada kuna dardargalinaayeen shaqooyinka socda iyo cashuuraha qaybaheeda kala duwan