dadka qaar Hilmaamka ama ilowshuhu ayaa ku bata hadaba qormadaan ayaan kusoo gudbineynaa 5 qodob oo aad ku siyaadin karto xasuusta maskaxdaada.
1: JIMICSIGA. Jimicsiga jirka Kaliya maaha faa iidadiisu oo maskaxduba wey u baahantay, marka aad sameyso Jimicsi badan waxaa hagaagaya qulqulka dhiiga ee aroorayaasha gaara maskaxda markaas ayey maskaxduna dareemeeysaa fax fax iyo iney si fiican u shaqeyso qeybta Keydka xasuusta.
2: WALBAHAARKA. Niyad-jabka iyo dhamaan nuuc kastoo isku buuq ah wuxuu dhibaato u geysanaa qeybta Xasuusta ee maskaxda, Hadaba jooji welwelka iyo Diiqada, sida ugu wanaagsan ee looga hortago walbahaarka waa inaad Alle barido oo aad cibaadeysato, jimicsina aad sameyso.
3: KALLUUNKA. Caadeysiga Cunista Kalluunka ayaa kaa dhigi karta qof ay xasuustiisu taam tahay waayo Kalluunku wuxuu u fiicanyahay maskaxda. Sidoo kale cilmibaarayaashu waxa ay isku waafaqeen in Digirtuna siyaadiso xasuusta maskaxda. Hadaba ha u deymo la,aan Kalluunka iyo Digirta.
4: KHUDAARTA. khudaarta cagaaran waxa ay si guud ugu fiicantahay caafimaadkeena sida dhmista miisaanka, yareynta macaanka, yareynta Cudurrada wadnaha, maskaxda iyo dheefshiidka sidoo kale Khudaarta cagaarani waxa ay siyaadisaa fahamka iyo xasuusta maskaxda.
5: HURDADA. Sida ay qabaan baarayaashu dadka aan seexan in ku filan habiinki waxaa dhaawac soo gaarayaa xasuusta maskaxda, Tani waa mid kamida kuwa ugu halista badan ee sababa maadaama bulshada ay caado ka dhigato dhafarka habiinki hadaba ku dadaal inaad habiinki hesho hurdo kugu filan mahadsanidiin