القائمة الرئيسية

الصفحات

Akhriso magacyada Liiska Murashaxiinta aqalka sare ee Puntland



Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray liiska 22-ka musharax ee u tartamaya 11-ka kursi ee Puntland afarta sano ee soo socota ku matali doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Xubno hore uga tirsanaa Aqalka Sare oo ay ka mid yihii Ra'isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdirisaaq Jurille ayaan ka muuqan liiska cusub ee madaxweyne Deni.

Sadex ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Puntland ayaa loo goondeeyay haweenka, waxaana ku tartami doona musharaxiinta haweenka ah oo kaliya.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweynaha Puntland inuu soo saaro liiska musharraxiinta Aqalka Sare.

Doorashada Aqalka Sare ayaa 29-kii bishii hore ee July ka billaabatay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Magacyada 22-ka musharax ee ku tartamaya 11-ka kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka Sare ayaa kala ah.


1- Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Maxamed Cusmaan Colaad

2- Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) iyo Kawsar Cabdulaahi Xirsl

3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Maxamed Geedi Maxamuud

4- Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur

5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) iyo Ismaaciil Mire Muumin

6- Daahir Ayaanle Saciid iyo Maxamed Cumar Maxamed

7- Farxaan Cali Xuseen iyo Hodan Isxaaq Maxamed

8- Saynab Ismaaciil Maxamed iyo Aamina Jaamac Ibraahim

9- Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Cabduqadir Maxamad Yuusuf

10- Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciima Axmad Bakar

11- Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yusuf Jamac