القائمة الرئيسية

الصفحات

Askar katirsan booliska Puntland oo xabsiga loo taxaabay.

Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud, taliyaha qaybta booliska gobolka Bari ayaa ka hadlay xaaladda guud ee ammaanka gobolka Bari gaar ahaan degmada Boosaaso


Taliyaha oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabadku saabsan xuska kowda Agoosto oo Boosaaso lagu qabtay, ayaa ksheegay in wadashaqeynta Ciidamada iyo dadweynaha ay sababtay in amniga Boosaaso uu noqdo mid wanaagsan.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa waxa uu intaas ku daray in had iyo jeer Ciidamada Booliska Gobolka Bari ay heegan ugu jiraan sugida amniga, isla markaana ay wadan howlgallo kala duwan.


Ugu dambayntiina gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamada ay xir xireen askar dhowr ah, kuwaas oo uu sheegay inay rasaas ku rideen dad Shacabka ah, ayna maxkamad soo taagi doonaan sida uu sheegay