Munaasabad Si Heer sare ah loo Soo agaasimey Laguna Caleema Saarayey Ugaaska Guud ee Beesha Carab Soomaali Ugaas Maxamuud Xaaji Cabdalla ayaa Ka Dhacdey Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda oo ay kasoo Qayb galeen Odayaasha Dhaqanka,Culimada,Dhalinyaro Haween iyo Marti Sharaf Lagu Casuumey ayaa Ugaaska Ugu Duceey in Alle La Garab galo Xilka Culus ee La Saarey laguna Ayidey Loona igmadey Dhamaan Hawlaha Beesha Dhexdeeda ah isla Markaasna uu Ka Shaqeeyo Danta Guud ee Qaranka iyo Sidii beeshu Xidhiidh wanaagsan ula Yeelan laheyd Beelaha Kale ee Walaalaha Soomaaliyeed.
Ugu Danbeyntiina Ugaas Maxamuud Xaaji Cabdalla ayaa Balan Qaadey in uu Hawsha iyo Xilka La saarey uu u Gudan Doono Si ay Ku Jirto Danta Guud ee Dalka,Diinta iyo Dadka uu Ugaaska u Yahey uuna Dhawri Doono Maslaxadda Beesha iyo Dastuurka Dalka iyadoo Munaasabadu kusoo Gaban gabowdey Jawi Hagaagsan iyo Farxad.