القائمة الرئيسية

الصفحات

Burcad badeed weerar ku qaaday markab laga leeyahay Ingiriiska oo marayay xeebaha Soomaaliya



Baargaal.net ( Reuters) - Burcad badeed ayaa weerar ku qaaday markab laga leeyahay Ingiriiska oo marayay xeebaha Soomaaliya, maanta oo Jimce ah, Ogosto 13, 2021 12:20 pm

Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Britain ayaa sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda ay weerareen maanta oo Jimce ah 13 -ka Ogoosto koox burcad badeed ah oo ku sugan xeebaha Soomaaliya

Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Britain ayaa intaas ku daray in markabka ay kooxo burcad badeed ah ku weerareen badweynta Hindiya ee xeebaha Soomaaliya Meel qiyaastii 100 mayl -badeed (185 km) waqooyi -bari ka xigta caasimadda, Muqdisho.

Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee ingiriiska  ayaa tilmaamay in shilku dhammaaday oo markabka iyo shaqaalihiisu ay hadda bad qabaan, iyagoo aan bixin faahfaahin intaasi ka badan . 


Xigasho : Reuters


BAARGAAL.NET

news and information from Somalia Updatede