القائمة الرئيسية

الصفحات

GALMUDUG oo abaal-marisey Dhamaan ardaydii kaalimaha hore ka gashay imtixaankii dowladda

 


Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug  Mudane AxmMUDUG ed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa  xarunta madaxtooyada kulan soo dhaweyn iyo dhiirigelin ah kula yeeshay Dhaman ardaydii Galmudug ee kaalmaha 1-aad, 9-aad iyo 10-aad ka galay imtixaankii dusiyada sare ee dalka – sanad dugsiyeedkii 2020-2021.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey ardayda dadaalka ay muujiyeen iyo guusha ay ka gaareen halgankoodii waxbarasho oo ay soo wadeen muddo dheer.

Madaxweynuhu wuxuu shahaado sharafeed gudoonsiiyey Cawaale Axmed Awcali oo ah ardaygii kaalinta 1-aad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee  dalka, Maxamed Cabdinaasir Saciid, iyo Maxaad Cabdirisaaq Maxamuud oo iyaguna galay kaalmaha 9-aad iyo 10-aad.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Galmudug ayaa wasaaradda waxbarashada ku ammaanay dadaalka ay ka geysteen sare u qaadida aqoonta iyo tayeynta waxbarashada.