القائمة الرئيسية

الصفحات

Koox hubaysan oo weerartay bas kana dhacday lacagtii uu waday magaalada Mukalla

 

Isniintii, 2dii Ogosto, 2021, koox hubaysan ayaa dhacdey lacag aad u badan oo saarnayd bas magaalada Mukalla, oo ah caasimadda Gobolka Hadhramaut (koonfur -bari Yemen).

Ilo deegaanka ah ayaa wakaaladda wararka Khabar u sheegay in koox hubaysan oo aan la garanayn ay weerareen bas siday lacag xilli uu marayay aagga Diss, kadibna ay ka toogteen taayirada baska, kadibna ay dhaceen lacagtii uu siday oo ay la baxsadeen.

Xogtu waxay tilmaamtay in baska uu siday ku dhawaad ​​18 milyan oo riyaal ( lacagta yaman )oo qiyaas ahaantii u dhiganta 71,973.97 USD ay leedahay laanta maamulka kastamka uuna ku socday bangiga dhexe si uu u bixiyo lacagta.

Gobolka Hadhramaut waxaa ku soo kordhayay mudooyinkan xaalad amni xumo iyo faafitaanka falalka dhaca , iyada oo aysan awood u lahayn laamaha ammaanku inay arintaasi wax ka qabtaam .

Xigasho: wakaalada wararka