Gudoomiyihii degmada Balidhidin ee gobolka Bari Maxamad Axmad Muumin ayaa lagu dilay weerar ay geysteen kooxo hubeysan habeenimadii khamiista soogaleysay.
Wararka aan ka helayno deegaanka ayaa sheegaya in gudoomiyaha iyo dad shacab ah lagu weeraray goob ay bulshadu isugu yimaadaan iyadoona ka sokow dilka Marxuumka ay jiraan khasaare soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa goobta.
Inkastoo aan cidi wali sheegan dilka laakin Dhawaan ayay ahayd markii Kooxda Daacish iyo Ciidamada Puntland ay ku dagaalameen deegaamada buuraleyda ah ee hoos taga Ballidhidin, iyadoo puntland sheegtay in hub iyo goobihii ay ku dhuumaaleysan jireen kooxdaasi ay la wareegeen ciidamada Puntland