القائمة الرئيسية

الصفحات

Madaxweynaha Turkiga oo ansixiyay 30 milyan oo doollar oo ah deeq uu Turkigu ugu deeqay Soomaaliya si kor loogu qaado awoodda hay’adaha.

 


Maanta oo Khamiis ah, Madaxweynaha dalka  Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo saaray go’aan rasmi ah oo lagu siinayo Soomaaliya 30 milyan oo doolar hal sano gudaheed, iyadoo bil walba la siinayo 2.5 milyan oo doollar, taasoo ah hadiyad ka timid Turkiga oo Soomaaliya la siiyay, oo loogu talogalay in loo adeegsado miisaaniyadda iyo horumarinta awooda hay'adaha ee Soomaaliya.

Sida ku cad warka ay daabacday shabakada  T24, marka loo eego go'aanka rasmiga ah ee uu Erdogan ku Faafiyay wargayska Rasmiga ah, deeqdan waxaa loo isticmaali doonaa in lagu maalgeliyo miisaaniyadda Soomaaliya iyo sidoo kale dhismaha hay'adaha dawliga ah ee soomaaliya.

Waxaa lagu sheegay go'aanka in deeqda lagu baari doono si waafaqsan xeerarka maaliyadeed, xeerarka iyo hababka maamulka ee Soomaaliya.Waxaa xusid mudan in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid aad u xooggan.

Labada dal waxaa ka dhexeeya heshiisyo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin tababaridda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ay siinayaan ciidamada qalabka sida ee Turkiga tababarrada “komandooska aasaasiga ah”, oo ku jira heshiiska tababarka iyo iskaashiga milateri ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya iyo sidoo kale iskaashi dhinacyada waxbarashada caafimaadka ganacsiga iyo kuwa kale oo badan 


Xigasho : T24