Xaalada maanta ka taagan tuunis waxay qayb ka tahay loolanka soo jireenka ah ee u dhexeeya xuriyada, madaxbannaanida iyo jiritaanka dhabta ah ee umadaha iyo kelitalisnimada, daba-dhilifnimada iyo dib u dhaca.
Inqilaabka Tuunis uu ka sameeyay madaxwaynihii la doortay waxa uu lahaa arimo u sii gogol xaadhay duruufta bulshadana gaadhsiiyay in qayb ka mid ahi ay u sacabo tunto talo maroorsiga hanoqoto in ay rajaynayaan duruufo ta taagan dhaama, waana xaqiiq in afgenmi keeni karin, ama ha noqoto in ay ku wiirsanayaan qolyo ay siyaasada ku xafiiltameene. Mushkilada Tuunis waxay leedahay afar lakab oo kala sareeya, kala culus oo isa saameeya.
Lakabka ugu sareeyaa waa dareenka awoodaha dibadu ay ka qaateen kacdoonkii carabta iyo halista ay ka dareemeen. Awoodaha dibadu waxay isugu jiraan awoodaha reer galbeed oo iyaga yoolkoodu yahay in lakala ilaaliyo xuriyada go’aan qaadashada iyo dunida islaamka. Iyagu waxay dantooda u arkaan in si ay danahooda uga fushan karaan, khayraadka dalalka u bililiqaysan karaan waa in talada dhabta ah aanay marnaba bulshada gacanta u gelin.
waa in madaxda iyo shacabku markasta is necbaadaan. Waxa jira awood goboleedyada sida khaliijka iyo waqooyiga Africa oo iyaguna baqdin wayn ka qaba in dareenka xuriyad raadiska ah ee Tuunis ka curtay in uu kusoo faafo. Yoolkoodu waa in la dhiciseeyo rabitaanka bulshada niyad jab iyo rajo darona lagu abuuro si bulshooyinku uga waantoobaan in ay xuriyad danbe u hanqal taagaan.
Isbahaysi labadaas awoodood dhex maray ayaa culays dhaqaale iyo faro gelin siyaasadeed oo culus toban sano ku waday Tuunis.
Lakabka labaad waa hadhaagii maamulkii la mooday in la dumiyay oo wali miciyaha kula jira halbowlaha dowlada gaar ahaan hay’adaha ammaanka, warbaahinta, garsoorka, iyo ururka shaqaalaha ee dalka. Qoladani waxay noqdeen cudud xoogan oo si dadban iyo si toos ahba ugu adeega ajandaha awoodahaas aynu soo xusnay, gaar ahaa warbaahinta oo si toos ah looga maalgelinayay qaar ka mid ah wadamada khaliijka, iyo ururka shaqaalaha oo noqday hay’ad la siman hay’adaha sharciga ah ee dalka oo iyagoo ka duulaya aydhiyoolajiga shuucinimda ee ku xididaystay bartilmaameed gaar ah ka dhigtay ururka Alnahda.
Lakabka sadexaad waa duruufaha adag ee tobankii sano ee kacdoonka ka danbeeyay lasoo dersay dadka reer tuunis. Shacabku waxay filayeen in marka xukunka kelitaliska ah la eryo duruufta noloshu fiicnaan doonto, waxay filayeen in cadaalad degdeg ah la heli doono. Laakiin waxa dhacay wax aanay filanayn: dhaqaalihii aad ayuu usii xumaaday, amni daro ayaa soo korodhay, ururadii xagjirka ahaa ayaa xoogaystay; Intaasba waxa kasii daran tayo xumada iyo muwaafaqo la’aanta dabaqada siyaasada iyo kala qaybsanaantooda oo wadankii curyaamisay.
Shakligii dimuqraadiyada waa la metelay, laakiin ruuxdeedii lama dhaqan gelin. Kuwii guulaystay looma ogolaan in ay xukumaan, waxa lagu tartamay caqiido iyo nacayb aydhiyoolaji ku salaysan ee looma tartamin horumarinta dalka iyo u adeega bulshada. toban sano ayay isku murugsanaayeen sadexda xisbi ee ugu wayn dalku.
Taasina waxay yaraysay difaacii dalka ee farogelinta shisheeye waxay albaabka u furtay awoodo aynu hore usoo sheegnay oo ay hormuud u yihiin gumaystihii Faransiiska, diktaatooriyadaha lacaglayda ah ee khaliijka iyo wadamada jaarka la ah Tuunis.
Sadexdaas awoodood midba waxa uu gacan saar la yeeshay qayb kamid ah xisbiyada ku kala bixi la’aa talada iyo hay’adaha dowlada.
Madaxwaynaha tuunis ways siciid |
Lakabka afraad waxa weeye shakhsiyada Madaxwayne Qays Saciid oo ah mid u hamuun qabta talo maroorsi.
Tobankaas sano Tuunis waxa soo maray sadex madaxayne iyo dhowr ra’iisal wasaare, khilaafka siyaasadeedna wuu taagnaa, dadkuna way mudaharaadayeen, qodobka 80aad ee dastuurkuna wuu jiray markaa waxa is waydiin leh maxaa keenay in Qays Saciid uu ku dhiirado tallaabadan madaxdii ka horaysay ay ku dhici waayeen.
Waxa uu ahaa bare-sare oo Sharci yaqaan ah, waxa uu doorashada ku galay la dagaalanka musuq-maasuqa siyaasada iyo dib usoo noolaynta kacdoonkii bulshada. Qorshihiisu waxa uu ahaa in la kordhiyo kaalinta bulshadu ku leedahay talada wadanka iyadoo la ballaadhinayo ismaamulka gobolada. Dad aad u tiro ayaa fariintaas togan ugu codeeyay iyagoo aan xog badan ka haysan taariikhdiisa.
Hasayeeshee, badhtamihii bishii May waxa soo baxay warar sheegayay in uu jiro isku day afgenmi oo madaxwaynu wado inuu dastuurka kaga tallaabsado.
kadib mar uu Madaxwaynu safar ku tegay Masar iyo Imaaraadka, agaasimaha xafiiska madaxwaynaha Naadiya Akaaja ayaa laga soo xigtay “wadanku waxa uu u baahan yahay kelitalisnimo distoor ku fadhida constitutional dictatorship”. Isla wakhtigaas waxa jiray in Madaxwaynu gudi u saaray soo dersidda sida ay suuro gal u noqon karto inuu dastuurka laabo, barlamanka kala diro taladana la wareego dhamaanteed.
Gudidaasi warbixinteedii waxay la wadaagtay Madaxwaynaha sidaa waxa sheegay bilowgii June wargeyska Le Monde ee faransiiska kasoo baxa. Gudidaas taladeedu waxay doonto ha noqotee waxaynu ognahay in awoodihii sadexda laamood ee dowladaba in uu keligii isku koobay.
Jihada dhacdooyinku u socdaan waxa sii iftiimin kara go’aanka ay qaateen wadama Tuunis faraha kula jiray. Imaaraadka iyo Sucuudigu waxay ku tilmaameen tallaabo loo baahnaa si tuunis loo badbaadiyo. Inkasta oo dowladu ka gaabsatay, warbaahinta Masar oo ah carooga dowladu ka dhex buuqdo, ayaa maalmahanba wishiiri iyo mashxarad aan kala goyn taageerada ay afgenbiga u hayaan darteed.
Qadar iyo Turkiga ayaa waxoogaa niyad xumaan ah ka muujiyay kuna baaqan in dastuurka lasoo celiyo. Warbaahinta faransiisku inta badan waxay ku tilmaameem afgenbi, Madaxwaynahana waxay ku sheegeen “Atypical populist” waa ereyga uu sida gaarka ah u adeegsaday wargeyska Liberacion.
Maraykanka ayaa kubaaqay in dastuurikii degdeg loogu laabto laakin aan kusii tiigaalin arinka.
Gebogebada, dawladnimada Soomaalida waxa burburiyay kelitalisnimo, cadaalad daro iyo sed-bursi sidaa darteed qofka wax bartay ee Soomaaliga ah waxa la gudboon in uu kelitalisnimo naco meelkasta oo ay ka jirtoba. Waa in aan fahano in khilaafka siyaasadeed aan marnaba lagu xalin karin awood iyo afgenbi. Hadii kala bixiyo waayo waa in go’aanka shacabka dib loogu celiyo ma’aha in qof wixii lagu heshiiyay laalo bulshadana qori dhafoorka kaga qabto.
Dr. Abdikarim Daahir Hassan