Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlada Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa safar aan la shaacin xalay ku tagay magaalada Naiorbi ee dalka Kenya. Safarkaan ayaa ah mid uu si gaar ah u codsaday RW Rooble iyada oo laga qariyay hogaanka Sare ee Dowlada Federaalka gaar ahaan MW Farmaajo
Inkastaa oo RW Rooble uu sheegay in uusan marnaba dib u furaynin Qaadka, hadana waxaa jira cadeymo iyo kulamo qarsoodi ah oo uu kula galay magaalada Nairobi qaar kamida Shirkadaha ka shaqeeya Qaadka.Wasiir Duraan ayaa dhankiisa loogu yeeray in uu fududeeyo dib u furka duulimaadka qaadka iyada oo aan si toos ah loo iclaamin si loo yareeyo qalalaasaha ka dhalan kara dib u furka Qaadka laga keeno dalka Kenya.
Waxa warbaaxinta qaar loo xaqiijiyay in dib u furka qaadka lagu bilaabi doono diyaarado kooban iyo qaab tartiib tartiib ah, iyada oo marka danbe xoog loo wada furi doono.
Hadii Wasiir Duraan uu fuliyo amarka RW Rooble, Waxaa halkaa ka muuqan doonta in Kenya lala galay labo heshiis oo kala duwan, mid qaraoodi ah iyo mid caam ah, taas oo lagu qancinayo MW Farmaajo.
Talaabada uu qaaday RW Rooble ayaa timid ka dib markii Beesha Sacad ee uu ka dhashay Rooble ay kulan gaar ah la yeeshaan Rooble kuna dhiirigaliyay in uu qaato go’aanka dib loogu furayo qaadka Kenya, taas oo ay ku jirto danta Beesha Sacad.