القائمة الرئيسية

الصفحات

TPLF oo iska diiday baaq uga yimid Dowlada Mareykanka xili ay koox weji cusub lasoo baxday

 


Jabhada TPLF ee ka dagaalanta gobolka Tigrey ayaa wali wada howlgalo balaaran ay dib ugula wareegayaan deegaano badan oo horey gacantooda looga saaray iyo deegaano kale oo katirsan maamulada dariska la ah ee dalka Itoobiya.

Ciidamada taabacsan TPLF ayaa xoog kula wareegay magaalada qadiimiga ah ee Lalibela, goobtan ayaana hay’adda Dhaqanka iyo Waxbaarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee  UNESCO u aqqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah.

Dowlada Mareykanka ayaa ugu baaqday jabhada TPLF in si deg deg ah uga baxaan magaalada taariikhiga ah ee Lalibela ,waxa ayna dowlada Mareykanka ku baaqday in la dhooro goobaha taariikiga ah

Getachew Reda, oo ah afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa sheegay in baaqa dowlada Mareykanka aysan aqbaleyn ilaa la qaadayo xanibaadaha gobolka Tigrey lagu soo rogay.

Jabhada TPLF ayaa ayaa markan lasoo baxday waji cusub iyo awood dheeraad ah, waxa ayna kooxdan dooneysa in ay dib ulka wareegto guud ahaan Gobolka Tigrey iyo deegaano badn oo katirsan gobolada Amxaarada iyo Canfarta.