القائمة الرئيسية

الصفحات

TPLF oo jawaab kulul bixisay digniin culusna u dirtay taliska Abiy Ahmed



Sarkaal katirsan jabhadda TPLF ee ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa wacad ku maray inay sii wadayaan dagaalka tan iyo inta xayiraadda saaran gobolka laga qaadayo iyo in dowladda federaalka ay aqbasho shuruudaha ku aadan xabad joojinta ay codsadeen.

General Tsadkan Gebretensae oo la hadlay BBC-da caalamka la hadasha ayaa sheegay in dagaalyahanada Tigray aysan ka bixin doonin dhulka Canfarta iyo Amxraada tan iyo inta ay ka gaarayaan hadafkooda.

Taliyahaan ayaa waxa uu xusay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay weli ku sugan yihiin gobolka Tigreyga laakiin ay meesha ka saari doonaan waa haddii si iskood ah aysan u bixin.

Saraakiisha jabhadda sare ee katirsan jabhadda TPF oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxa uu caddeeyey in mustaqbalka gobolku uu ku xiran yahay afti laga qaado shacabka marka heshiis siyaasadeed uun ay la galaan xukuumadda Addis Ababa.