Kumannaan qof oo doonaya in ay ka baxaan dalka Afqaanistaan ayaa wali ku xanniban garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul.
Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday halkaasi tan toddobaadkii aannu ka soo gudubnay.
In ka badan 10,000 oo qof ayaa halkaasi laga daad-gureeyay tan iyo Isniintii.
Xilliga ciidamada Mareykanku ka baxayaan dalka Afghanista oo ku eg 31 bishan August ayaa xaalka ku sii adkeynaya dadka naftooda kala baxsanaya Afghanista iyo cabsida ay ka qabaan Taliban.
Taliban waxay ka digtay in Mareykanku dib uga dhaco waqtiga kama dambeysta ee uu u qabtay bixitaanka ciidamadiisa.
Dalalka G7 ayaa maanta yeelanaya kulan ay uga hadlayaan daad-gureynta ka socota Afqhanistan.