القائمة الرئيسية

الصفحات

Degdeg: R/W Rooble oo shaqo joojin ku sameeyey Fahad Yaasin

 


Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkan ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Rooble ayaa Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe.