القائمة الرئيسية

الصفحات

Madaxweyne Deni oo ku wajahan magaalada Gaalkacyo (UJEEDADA)


Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland, Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadkan ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni, oo weli ku maqan safar dibadda ah, ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan dib ugu soo laabto dalka, gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha sida warar ku sheegayaan, inta uu Gaalkacyo ku suganyahay wuxu xarigga ka jari doonaa garoonka kubadda Cagta ee Cawaale Studium.

Sidoo kale, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa odayaasha dhaqanka iyo bulshada Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo dhismaha dekedda magaalada Gacarad oo meel geba-gabo ah maraysa.