القائمة الرئيسية

الصفحات

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah u sameeyey Xulka Gobolka Haaylaan (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirri-gelin iyo maamuus ah ugu sameeyey Xulka Gobolka Haaylan oo dhawaan ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha oo Xulka ugu hambalyeeyey guushii ay gaareen ayaa xusay ahmiyadda ciyaaruhu ay u leeyihiin xasilloonida, isdhexgalka dhallinyarada iyo horumarka dalkeenna, waxa uuna tilmaamay sida ay muhiimka ugu yihiin la dagaallanka xagjirnimada iyo maandooriyaha, joojinta tahriibka iyo qabyaaladda.


Munaasabadda waxa ka soo qeyb-galay Wasiirrada Wasaaradaha, Dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Xamsa Siciid Xamsa, Qorshaynta Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xigaso : Villa Somalia 
Image_Alt_Here Image_Alt_Here Image_Alt_Here Image_Alt_Here Image_Alt_Here Image_Alt_Here