War kasoo baxay ururka al Shabaab ayaa lagu beeniyey hadalkii kasoo yeeray hay'ada sirdoonka DFS ee ahaa in Xarakadu ay ka dambeeysay afduubkii iyo dilkii lagula kacay Ikraan Tahliil oo ahayd Sarkaalad u shaqeyneysay hay'adda NISA.
War kasoo baxay Jihaaska amniga ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Xarakadu aysan ka dambeeynin dilka gabadhaas wax shaqo ahna ku lahayn dilka iyo afduubka lagula kacay intaba.
"Kama dammbeynmo waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysa hay'adda NISA, la yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay" sidaas waxaa yiri mas'uul u hadlay Jihaazka amniga ee Xarakada Al-Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Anagu waan beegsanaa madaxda iyo saraakiisha hay'adda sirdoonka ah oo bartilmaameed ayey inoo yihiin waana sheegannaa dilkooda oo cid aan uga heebeysano ma jirto laakiin gabadhaas afduubkeeda iyo dilkeeda wax shaqo ah oo aan ku leenahay ma jirto".