القائمة الرئيسية

الصفحات

Maxaad Ka taqaanaa Faaiidooyinka Cabista Biyaha Kulul ay Jirkaaga U leedahay

Daraasado tiro badan oo marar kala duwan soo  baxay ayaa daahfuray in cabista biyaha kulul ay jirka u
Ieeyihiin faa'iidooyin caafimaad oo aad u badan. 



Qormo lagu soo ururiyey faa’idooyinkaas kuwooda ugu
muhiimsan ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin: 

1. Cabista biyaha kululi in ay si weyn u kordhiyaan dhalaalka wejiga iyo quruxdiisa. 

2. Waxa ay kor u qaadaan awoodda ay xubnaha jirku u Ieeyihiin in ay si dabiici ah waajibaadkooda u gutaan. 

3. Cilmibaaris ay dhowaan sameeyeen xeeldheerayaal u dhashay dalka jabbaan ayaa iyaduna daahfurtay in cabista biyaha kululi ay dawo ka tahay xanuunno aad u badan oo ay ka mid yihiin; Madaxxanuunka, Dhiig karka, Unugyada dhiigga cas oo yaraada, Suuxdinta iyo qallalka, Buurnimada, Hargabka, caabuqa dhuunta (Hunguriga), caabuqa ku dhaca dahaarka sare ee caloosha, calool istaagga iyo casiraadda, Guud ahaan cilladaha caloosha, Asiidhka oo jirka ku bata (Hyperacidity), Macaanka, Kansarka, Qaaxada iyo caabuqa sambabada, Kelyo xanuunka iyo cilladaha kaadi-mareenka, mushkiladaha sanka, dhegaha iyo dhuunta, dhibaatooyinka Ia xiriira dhiigga caadada, noocyada kala duwan ee wadne xanuunka iyo dhibaatooyinka Ia xiriira hab-dhiska neefsiga.

Habka Ia isugu daweyn karo cabista biyaha kulul: 

Warbixin ka soo baxday ururka Midowga Dhakhaatiirta dalkaJabbaan ayaa lagu faahfaahiyey habka ugu flican ee uu qofku isugu daweyn karo blyaha kulul, Kaas oo ah sidan hoos ku xusan: 

1. Subaxda hore marka hurdada laga Soo kaco, waxaa uu qofku cabayaa 4 koob oo ah biyo diirran,
koobkii kastana qaadkiisuu yahay 160 ml, . 

Biyuhu waa in ay diirrimaad noqdaan, calooshuna ay marnaato. Waa in aanu qofku waxba
afka gelin ugu yaraan 45 ka daqiiqo ee ka horreeyey markan uu biyaha diirran cabbayo isla markaana
aanu cunto cunin illaa ay laba saacadood ka s00 wareegaan markan uu biyaha cabbay. 

2. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in dadka waaweyn iyo dadka bukaanka ahi ay bilowga hore dhibaato kala kulmi doonaan cabista biyahan diirran, gaar ahaan aanay mar keliya wada cabi Karin afar koob oo biyo ah, sidaa awgeed talada ugu flicani ay tahay in ay marka hore ku bilaabaan biyo intaa ka yar, marka ay Ia qabsadaanna hadba in yar ku sii kordhiyaan, illaa ay maalmaha dambe gaarsiiyaan Afarta koob 

SHABAKAAD BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deeganada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com