1. TOONTA
Toonta oo ka mid ah dhirta qarniyada badan dawo ahaan loo isticmaalayey waxa ay leedahay ur awood badan iyo maaddooyin la falgala dhiigga, sidaas awgeed qofka isticmaala toonta waxa uu urkeedu gaaraa dhiiggiisa. Urkaas toonta ee dhiigga ku lamaan ayaa sababa in kaneecadu aanay qaniinin dadka toonta isticmaala.
2. QOROFE & DHEGA YARE
Kaneecadu aad ayay ay u necebtahay urka geedka Qorofal Dhegayaraha. Tijaaboyin la sameeye ayaa lagu ogaaday in haddii aad biyo ku shubto madiibad / xaysad, kuna riddo xabado Qorofal ah, kaddibna aad saarto miis aan ka fogeyn halka aad seexanayso ama runkunka sariirta (Komaddiin) in ay ka fogaanayso kaneecadu.