Sidee ku dooran kartaa Takhasus-ka Jaamacada ee aad rabto inaad Barto

Sidee ku dooran kartaa Takhasus-ka Jaamacada ee aad rabo inaad Barto

 


Waa xilli ay qoysas Badan  oo soomaaliya ku nool walwalsanyihiin maadaama  wiilashooda iyo gabdhahoodu ka qalin -jabiyay dugsiyada sare ay  su’aalaha takhasuska ku habboon Ku fakiraayaan siday udooran lahaayeen  iyadoo jahawareer badani haysto  ardayga ama ardayadda arrintu khusayso. 

Layaab ma leh in qaadashada go’aankan oo kale ay weheliso welwel iyo feker, maadaama uu yahay go’aan masiiri ah oo muhiim ah, waana mid ka mid ah go’aammada ugu muhiimsan ee aan qaadanno nolosheenna. 

Sababtoo ah ahmiyadda mawduucan awgeed, waxaan maqaalkan iyo maqaalo badan oo taxane ah  kaga hadli doonaa farsamooyinka lagu doorto Takhasus-ka  jaamacadda ee ku habboon ardayga ,  waxaanna soo jeediyin doonaa haduu ilaahay idmo siyaabo lagu abuuri karo aragti shaqsiyeed  oo ardaygu ku go'aansanayo Takhasus-ka  ugu wanaagsan iyo shaqada ku habboon mustaqbalkiisa, angoo marjic ka dhiganayna diraasado cilmaysan oo mawduucaas horay looga sameeyay , iyo tijaabooyin arday idinka horaysay ay soo mareen 

Lama dafiri karo in hannaanka xulashada Takhasus-ka jaamacadeed ee saxda ah ay inta badan noqon karto mid walaac iyo cabsi leh, marka la eego in dad badani u maleeyaan inay tahay tallaabo masiiri ah oo mustaqbalkooda go'aamin doonta weligeed. 

Marka waxaan leeyahay Ardayda Ku xiran Shabakada BaargaalNet ee Aqrisanaya Maqaalka Ha welwelina, Takhasus-ka aad dooratid macnihiisu maahan inuu kaliya kuu horseedi doono hal shaqo nolosha oo dhan. 

Laakiin waa inaad ogsoonaataa inaad wakhti badan ku bixin doontid  barashadiisa, markaa waxaad u baahan tahay inaad barato sida lagu doorto Takhasus-ka ugu saxda ah oo ku haboon hibooyinkaaaga iyo waxaad ku fiicantahay  ka hor intaadan u fariin  waxbarasho dheer 

Marka Hore 

Waa maxay macnaha Takhasus-ka jaamacadda? 

Takhasus-ka Jaamacad , waxaan ula jeednaa goobta waxbarasho ee aad ka dooranayso jaamacadda, oo ay ku jirto, marka laga reebo shuruudaha jaamacadda guud,   maaddooyin khaas ah  sida . Accounting , Bussines , computer oo . cilmiga siyaasadda , Biology , Chemistry, Qaanuunka , shareecada , caafimaadka  iyo kuwa kale oo badan  

Hadaba su'aashu wexey tahay sidee ku doortaa Takhasus-keyga ?

Marka hore waxaa haboon in aad xaqiijiso afartan waxyaabo:

  1. 1. Rabitaan 
  2. 2. Awood
  3. 3. Ujeedo
  4. 4. shaqo helid

waxaa ku bilaawayaa kan hore oo ah :

1. Rabitaan 

sida aad ogsoontahay waxaad ku soo baratay dugsiga sare dhawr maado oo kala duwan , marka waxa aad ku takhasuseysid waa in uu noqdaa waxa aad jeceshahay oo aad xiiseysid marka aad aqrineysid.. hadaba Takhasus-ka kugu haboon  waa kan aad xiiseyso oo naftaada jeceshahay.

2. Awood

waa in aad ka ogaataa awoodahaaga xaxga maskax ahaan iyo xaga dhaqaale ahaan , tusaale hadii aad ku fiicantahay xifdinta in aad aado maadooyinka xifdiska u baahan , balse hadii aad ku fiicantahay xisaabta iyo kala furfurka in aad ku biirto maadooyinka u baahan fahanka.

3. Ujeedo

Maxaad kuu qorsheesan in aad xaqiijiso mustaqbalka , maxaad rabtaa in aad wax ka qabato ama heer noocee ayaad rabtaa in aad gaarto , markaas isku day in aad dooratid  takhasus-ka kuu xaqiijinkara hamigaaga iyo riyadaada.

4. shaqo helid / Fursad

waa in aad xaqiijisaa Takhasus-ka aad dooraneysid mayahay mid aad ka heli kartid shaqo la xiriirta takhasus kaaga, aadan noqon baaga muundo ama uusan eheen takhasus aanan looga baahneen bulshadaada iyo deegaankaaga 


Ugu danbayn Dunida oo dhan, soomaaliya oo keliya ma aha, waxaad ogaataa in waalidiinta iyo macallimiintu ay u rajaynayaan carruurtooda inay noqdaan  dhakhaatiir, injineero, , maareeyayaal shirkadeed iyo shaqooyin kale oo ay u arkaan inay sareeyaan  , laakiin xaqiiqadu waxay tahay in takhasusyadani aysan u habboonayn arday kasta , 

Marka Laga hadlaayo qorshaynta, xulashada Takhasus-ka jaamacadda, iyo milicsiga mustaqbalka iyo aragtida shaqsiyeed, waxaa lagama maarmaan ah in la xuso qodob muhiim ah marxaladaha qorshaynta guud ahaan, kaas oo ah in la muujiyo dabacsanaan,  oo la micno ah si loo wajahayo  isbeddelka hadba loo baahdo. 

Waxaa laga yaabaa inay kuu caddaato sanad kadib go'aankaaga xulashada takhasusku inuusan kuu habboonayn haba yaraatee, ama in duruufo gaar kula soo gudboonaatay , markaas waa inaad noqotaa mid dabacsan oo wax ka beddeli kara go'aankiisa si aad u sii waddo gaaritaanka ujeedadaada , xataa haddii wadadu ka duwan tahay tii hore , 

Gabagabadii, guushu ma aha oo kaliya dhammaadka sheekada, laakiin waa sheekada oo dhan. Ku raaxayso waxbarashadaada, ka faa'iidayso waayo -aragnimada dadka kale, kobci xirfadahaaga, tijaabi hiwaayadahaaga, qiimee guul -darrooyinkaaga, u dabbaaldeg guulahaaga yar, qorshee maalintaada, bishaada, sannadkaaga, guushu waxay noqon doontaa adiga, haddii Eebbe idmo.

hadal yar Jimmy Dean ayaa horay u yiri  : "Ma beddeli karo jihada dabaysha iiga imaanayso , laakiin waxaan hagaajin karaa shiraacyada markabkayga si aan u geeyo meel kasta oo aan doonayo.

Guul Dhamaan Ardayda Jaamacadaha u wareegaya 

Qore : Maxamed Ibraahim Axmed

Email:ruunyo2004@hotmail.com




Developed by Jago Desain