Waxa gabaygaan layiraahdaa (nabad katalis) Wuxuuna Jaawab U yahay Nin tiriyay tix dagaal huris ah oo uu Ka Jawaabaayay mar La weydiiyay Waxa kajirah gobolada puntland wuxuu yiri :
Diktoor yahaw dalkeeni ragbaa duudsiyee dhacaye

Nimanbaa ku doobaynayoo diiday nabadiiye
Dekediiba nimanbaa rartay iyo dahabki oolaaye
Dulqaadkeena iyo Waxay arkeen debecsanantaase
Ma dagaalanaa Ini rag waa kii isdaafacahe
Mise wayskadeynaa ilaah deeqdi baa badane
kaasu wuxuu ahaa tixdii dagaal huris oo uu tiriyay xaroowe caynab waxa soosocdah gabaygi jawaabta ahaa (nabad katalis ) oo uu Tiriyay Abwaan axmed yuusuf Axmed ( Sheeka Xariir )
dawa malaha gurigii dumah iyo qoomkii diriraaye
dukaamada camiran nuurka iyo layrka wada daaran
dekedaakan laga dhoofayiyo maalka soo degayah
waa deeq ilaah iyo fadli an deriska dhaanaaye
daafaha berbera iyo hadii aad xamar mar daymootoh
dooxada kismaayiyo markiyo tan iyo dayniile
naafada dufowdiyo agoon daasan baa tubane
waxa daasad lagu quudiyaa tan iyo dooloowe
degaankeeda nimankiilahaa dalag mabeertaane
daciif iyo miskiinbay noqdeen laga ducaystaaye
waxa loodamiray siday yihiin duulki nabi luude
hayeeshee, dareenbaygujiray taniyo dayrtiiye
duqay iyo ikhyaar bari jirtaan doodlagelayaaye
fariinbaan udirayaa war aan daabacee qoraye
daalaan usii saarayaa duciyo aamiine
dooroonayaal waydinkii daadahaynjiraye
nimanbaa dagaal hurinayeyo dabiyo baaruude
dalnah madhawro ruuxii qalbiga daabac kaga yaale
inta eebahay dawlad iyo dereg u yeelaayoh
ku dadaala nabadbaan wax lagu doorsadaa jirine