Ciidamo ka tirsan Galmudug ayaa kala dhex-galay malayshiya-beeleedyo ku dagaallamay degaanka Kaxandhaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Ciidamo kala duwan oo ka kooban milatari iyo booliisk ayaa la wareegay degaanka Kaxandhaale halkaas oo maalmo ka hor dagaal ku dhexmaray labada malayshiya-beeleed.
Mas’uuliyiinta Galmudug ayaa sidoo kale sheegay in waan-waan laga dhex bilaabay dhinacyadii dagaallamay si loo xalliyo colaadda beelahaas.
Odayaasha dhaqanka ayaa ku hawllan sidii gogol nabadeed la isu’gu keeni lahaa beelaha dagaallamay sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.