القائمة الرئيسية

الصفحات

Daawo hees Soomaali Sida Erya Geeloo Farxiya Cali



Sida ayre geeloo
oomane ku'raagtoo, 
haro hidhanka joogiyo, 
deegaahn arkaysaan. 
 La'aroorin waayahaan, 
kuu'uugaabayaayoo, 
uurkaa ku'tabayee. 

 Ambaqaado inanyahow, 
waxan aan lalwalayee, 
naftan ku'ogalaataan u'arimi ku'leeyee.

 Aaragaagu waa ii sida, illa biya'leh iyo, onkad igu'hillaacee." 

 Miraha iyo erayada heestan waxaa ku'jira qaar la'soo gaabiyey si jaanta, miraha, iyo haantu isu'raacaan. Erayadan la'soo gaabiyey waxay keeni karaan in dad badan, gaar ahaan jiilka soo koray ay ku'adkaato inay gartaan dulucka erayga. Dhamaan erayada la'soo gaabiyey ee heestan iyo kuwa aan faaladayda u'adeegsadayba, waa ku'waan iyagoo faahfaahsan. 

 Heesta 

 1) "Ayro": eraygan waa eray qadarin iyo maamuus tilmaamaya oo Soomaalidu u'adeegsato marka ay ka'hadlayaan hasha geelaa. 

 2) "hidhan" ama "hirran," hadba kaad tiraahdo sida (haro hidhanka joogiyo) waa raarka, dhirindhirka ama heegada ugu saraysa (buux). Waxaa badanaa la'adeegsadaa marka laga hadlayo fara'badnida biyuha iyo meesha ay joogaan.

 3) "Deegaahn": waa "qaanso-roobaad." Eray kaloo u'dhow ayaa jira "deegaan" oo ah "aag" ama meesha la'daganyahay.

 4) "kuu'uugaabayaa" uugaabo mar waa dhawaqa oohinta, marna waa urugada iyo ciilka dakanadu kugu reebto. Waxaa kaloo jira erayga "uugaamo" oo u'yara dhow, inta badana la'gu khaldo "uugaabo." Dulucda eraygan waa marka cirku madow yahay, ka'hor intaanu roobku wali da'in oo ufada , saxansaxada iyo siigadu is'dhaafayaan. Ujeedada mida heestu waa "kuu'ooyayaa" ee ma'aha "urugo iyo ciil.". 

 5) "Lalwalayee" waa waxaan la'walwalayaa oo laxanka dartii la fudideeyay ama la'soogaabshay. 

Turxaanbixintayda. 1) "Haan," dulucdeedu waa weelka biyaha ama caanaha lagu shubto, waxay kaloo noqonkartaa erayga afka qalaad looyaqaan "music" ee aan inta'badan u'adeegsano siduu soomaaliyahay. 

 2) "Jiil" waa erayga afka soomaaliga u'dhigma "generation." 
 3) "duluc" waa erayga afka soomaaliga u'dhigma "micne" micne waa af carbeed. 

 4) "Qalanjo, iyo Arbe" dulucdoodu waa maroodiga dhadigaa iyo midka labkaa. Kadib markii afka soomaaliga la'qorayna waxaa loo'adeegsaday in labadaan eray ee lamaanahaa loogu yeero gabdha iyo wiilka hormoodka u'ah riwaaydaha iyo madadaalada. Tilmaamahaan sarre mooyee, waxaa kaloo "qalanjo" soomaalidu u'yaqaanaan qofka dumarkaa ee quruxda badan. Yaysan isaga'kaadarmin "duluc" iyo "dulluc.) Faalada Haanta(music) Sida bayska guuxaya, gitaarka codka dheer, batariga iyo durbaanka diryaamaya, oorganka dananaya iyo codka macaan ee Farxiya Cali ay jaanta isula heleen waa maqal iyo muuqaal dhagahii maqlaa iyo dhaayihii jaleecaa tooni aysan waligood illoobin. Qalanjada Muuqa iyo dheehda aan la'doorin ee lagu'yaqaanay gabdhaha soomaaliyeed waa midabka iyo muuqaalka Qalanjo-Farxiya Cali.