Isimmada dhaqanka oo uu hoggaaminayo Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, culimo-awdiinta, iyo ganacsato oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa soo dhaweeyay inay dhinacyada Xukuumadda Puntland iyo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF, ay aqbaleen inay xabad-joojin ka dhaqangeliyaan magaalada Boosaaso.
Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa sheegay inay la kulmeen labada dhinac ayna u hoggaansameen dadaaladooda, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada inay kala durkaan lana furo jidadka, si loo qaado dhaawacyada iyo meydadka yaalla goobaha dagaalka.