القائمة الرئيسية

الصفحات

DAGAAL CULUS OO SAAKA DIB UGA QARXAY BOOSAASO

 


Waxaa saaka ma labaad dagaal culus ka qarxay Magaalada boosaaso ee xarunta Ganacsiga dawlada Goboleedka Puntland.

Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo ciidamo taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

 Dhawaqa Rasaasta iyo hubka culus oo ka dhacaya laba dhinac ayaa laga maqlayaa xaafadaha ku dhow xarunta hay’adda PSF.

Dagaalka ayaa dib u bilowday xilli ay socdeen dadaalo lagu doonayo in xiisadda taagan lagu dhammeeyo xal nabadeed.