(Baargaal media ) - Dibad-baxayaal caraysan ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah ka hor-istaagay Gobolka Hadhramaut, baabuur saliid iyo kalluun isugu jira inay ka baxaan gobolka, iyagoo ka cabanaya xaalad nolol xumo.
Ilo-wareedyo, ayaa sheegay, shalay oo Sabti ah, in tobonooyo ka tirsan qabiillada Gobolka Hadramout ay sii wadaan maalintii saddexaad si ay uga hortagaan kalluunka iyo xamuulka saliidda inay ka baxaan oo u dhoofiyaan meel ka baxsan gobolka saliidda hodonka Ku ah
Wararka ayaa Intaasi Ku daraaya in dadka gadoodsan oo ka soo jeeda qabaa’ilka ay isbaarooyin u dhigteen baabuurta iyo dhammaan gaadiidka. Waxa kale oo ay ku khasbeen baabuurtii saliidda iyo kalluunka siday inay ku istaagaan deegaannada Xadramawt Al-Waadi, oo ku yaalla waddada ka baxda xuduudka Al-Waadica ee Sucuudiga iyo gobollada deriska la ah.
Sida ay sheegayaan wararka, muwaadiniinta gadoodsan ayaa dalbanaya in kheyraadkaas Gobolka Looga faaiideeyo.
Ilo-wareedyadu waxay tibaaxeen in talaabooyinkan isa soo taraya la hirgeliyey ka dib shir beeleed isniintii ina dhaaftay, isla markaana lagu go’aamiyey in aan laga bixi karinn, lagana dhoofin Karin Shidaalka iyo Hantida Beeraha ee GObolka Hadramuut.
Kulanka ayaa waxaa lagu adkeeyay in ay sii socdaan tallaabooyinkan sare u kaca ah ilaa dowladda Yemen ay ka jawaabeyso dalabaadka shacabka gobolka, si ay u helaan qeyb buuxda oo ka mid ah dakhliga ka soo xarooda saliidda, isla markaana Loo helo adeegyada bulshada.