Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Maamul-goboleedka Puntland iyo Taliyeyaasha Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF in ay wada xaajood nabadeed ku xaliyaan iska-hor-imaadyadii maanta ka dhacay Boosaaso.
warka qoraalka ayaa la soo dhigay barta twitter ee safaarada Maraykan ee soomaaliya oo lagu yiri :
Waxaan ku baaqaynaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda Boosaaso, laguna soo laabto wada-hadal, si loo helo wada-xaajood, xal nabadeed. Dagaalada sii socdaa waxay waxyeelo kale u geysanayaan Boosaaso iyo dadkeeda.
Ciidamada Puntland iyo kuwa PSF ayaa ku dagaalamay bartamaha magaalada Boosaaso, iyadoo ay istaagtay Shaqadii dekedda. Xabado khaldanna ayaa galaafteen nolosha ugu yaraan saddex qof oo rayid ah.
Saddexdii todobaad ee u dambeeyay waxaa jiray ismari waa u dhexeeyay ciidamada PSF-ta iyo ciidamada maamul goboleedka Puntland kadib wareegtadii uu Madaxweyne Deni ku bedelay Taliyihii hore ee PSF Sareeye Guuto Maxamuud Cismaan Cabdullaahi DIYAANO oo ay walaalo yihiin Taliyihii hore ee PSF isla markaana ah madaxa xisbi siyaasadeedka Mideeye Grande Asad Osman Abdullahi.
Taliye Maxamuud ayaa ka soo horjeestay bedelka isagoo ku andacoonaaya in PSF ay ka madax banaan tahay dowlad goboleedka Puntland iyo dastuurkeeda.