القائمة الرئيسية

الصفحات

SOOMAALIYA IYO MIDOWGA YURUB OO KA WADA-HADLAY ISKAASHIGA AMNIGA IYO DHAQAALAHA



Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya,Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tiina Intelmann.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in labada mas’uul ka wada-hadleen Xoojinta Iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa si gaar ah diiradda u saaray dhinacyada Amniga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya