Warbixin uu qoray wargeyska “Intelligence Online” oo ah wargays Faransiis ah oo ku takhasusay arrimaha sirdoonka ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu sii wado dhismaha garoon diyaaradeed oo laga dhisayo magaalada Haadibo oo ah xarunta Jaziiradaha Yemen ee Socotra.
Wargeyska Faransiiska ayaa intaa ku daray, isagoo soo xiganaya ilo xog ogaal ah, in "Abu Dhabi ay sii wadaa inay dhisto garoon diyaaradeed oo ku yaal Hadibo, caasimadda Socotra, marka laga reebo tiro saldhigyo sirdoon ah."
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in Imaaraadku uu xoogga saarayo dib-u-habaynta dekedda "Houlaf" ee jasiiradda Socotra, taas oo uu maamulo xubin caan ah oo ka tirsan Golaha Ku-meel-gaadhka Koonfureed, Muxammad Salem;
Hay’adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation oo kaashanaysa hay’adaha ammaanka ee deegaanka ayaa soo gebagebeysay dhismaha deyr 9-km ah oo laga dhisayo dekedda.
Imaaraatka ayaan ka hadlin eedeymaha joogtada ah ee ay kala kulmayaan magaalada Socotra ee ku aadan in ay saldhigyo ciidan ka dhisteen jasiiradaha istiraatiijiga ah.
Warku wuxuu intaa ku daray in Xuutiyiintu ay la wareegeen markabka "Rawabi" oo sitay calanka Imaaraadka, 2-dii bishii Janaayo. Waxa uu tilmaamay in shirkadda ka shaqeysa ee “Liwa Marine Services” ay leedahay “Khalfan Faraj Al Muhairbi” oo ah Imaaraati. Sanadihii hore, waxay heshiis la gashay ciidamada dhulka ee Sucuudiga si ay ugu wareejiyaan agabkooda .